4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2016
Nairobi: Dallada Wariyeyaasha ee COSEJA oo Galabta Shir Kuqaban Doonta Xaafada Eastleigh

Axad, Abriil 03, 2016 (HOL)-Galabta bacdal casar ayaa waxaa la filayaa in lagu qabto hoolka shirarka ee weyn ee Medina Mall ee Xaafada Eastleigh ee Soomaalidu u badan tahay ee Nairobi kulan ay isugu imaanayaan wariyeyaasha qurba joogga ah ee Soomaaliyeed.

Kulankaas ayaa waxaa looga wada hadli doonaa dawrka saxaafadu ku leedahay dhismaha dawlada. Kulankaas ayaa waxaa soo qabanqaabisay Dalladda COSEJA oo ah mid warbaahineed.

Magaca COSEJA ayaa waxaa laga soo gaabiyay Consortium of Somali Exiled Journalists' Associations.

Dalladan waxaa la aasaasay sanadkii tagay ee 2015 bishiisii Oktoobar. Waxaa hadda hoos yimaadda illaa toban urur oo ay ku mideysan yihiin saxafiyiin Soomaaliyeed waxayna kashaqeysaa arrimaha hormarinta weriyeyaasha ku sugan dalkan Kenya.

Fikirkan ayaa waxaa isku keenay wariyeyaal Soomaaliyeed oo  ku nool wadankan kuwaasoo la kulma dhibaatooyin kala duwan oo dhanka noolasha ah, shaqada iyo arrimo kale.

Ujeedooyinka  loo aasaasay waa dhawr arrimood oo ah in marka hore ay wariyeyaashu iska warqabaan oo xaaladooda guud iyo duruufaha gaarka ah la isla ogaado. In la helo caawimaad weriyeyaasha dhexdooda ah oo ay samaystaan sanduuq ay leeyihiin si loogu daboolo baahiyaha oo ay ugu horreyso waxbarashada, caafimaadka, in wariyeyaasha laga caawiyo dhanka sharaciga qaxootiga, iwm.

In la sameeyo barnaamijyo kusaabsan nolasha aasaasiga ah si qofku u helo nolal wanaagsan ayadoo lala kaashanayo  dadka ehelka u ah.

In weriyaha ku cusub dalkan lala socdo xaaladdiisa. In laga shaqeeyo  arrimaha xuquuqul-insaanka. In la sameeyo isbadal oo weriyeyaasha fursada haysta la siiyo talooyin iyo tababarro ay bulshada ugu soo gudbin karaan barnaamiyo ku aaddan horumarinta iyo arrimo kale oo iyana aad muhiim u ah.

Hiigsiga COSEJA waa isbadal iyo dhiirrigalinta warbaahinta si ay uga qayb qaatado in uu dalka Soomaaliya ka baxo dhibaatada.

Xafiiska Wararka ee HOL

Magaalada Nairobi, Kenya.