4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 3 , 2016
Maxaabiis hor leh oo la filayo in laga saaro xabsiga Guantanamo

Sawir muujinaya maxaabiis ku xiran Guantanamo Bay oo si xun loola dhaqmayo


Axad, Abriil 03, 2016 (HOL)-Tiro kale oo maxaabiis ah ayaa la filayaa in laga saaro xabsiga ay leeyihiin Milatariga dalka Mareykanka ee Guantanamo Bay ee ku yaalla wadanka Cuba.

 

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagonka ayaa qorsheyneysa in ilaa 12 maxbuus oo ku jira xabsigaasi ay u gudbiso ilaa 2 wadan oo kale, sida laga soo xigtay sarkaal sare oo Mareykan ah.

 

Qeybta ugu horeysa ee maxaabiistaan ayaa lagu wadaa in la gudbiyo maalmaha soo socda halka kuwa kalena xabsigaasi laga soo saari doona isbuucyada nagu soo fool leh.

 

Tillaabadaan ayaa qeyb ka ah qorshaha madaxweyne Barck Obama ee ku aaddan in albaabada la isugu dhufto xabsigaasi oo eedeyn weyn oo dhinaca jirdilka ah usoo jiiday dowladda Mareykanka.

 

Tariq Ba Odah oo ah muwaadin u dhashay dalka Yemen mudo dheerna ku jiray gadood cunto ka soomid ah isla markaana lumiyay kala bar ka mid ah miisaankii jirkiisa ayaa ka mid noqon doona maxaabiista laga wareejinayo xabsiga Guantanamo Bay.

 

Qareenka u doodayay ninkaa ayaa horay ugu guul dareystay isku dayo uu ku doonayay in lagu sii daayo xaaladiisa caafimaad ee liidata awgeed, waxaana ay waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon ku adkeysatay xiligaas inuu daryeel caafimaad oo wanaagsan ku heli doono gudaha xabsiga.

 

Ilaa 91 maxbuus ayaa hadda ku jira xabsiga Guntanamo, kuwaasoo badankood mudo ka badan 10 sano xirnaa iyagoo aan wax dacwad ahna lagu soo oogin.

 

Xafiiska Wararka ee HOL

Magaalada Nairobi, Kenya.