4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2016
HANTI-DHOWRKA GUUD: Maamulka Gobolka Banaadir waa inuu joojiyo Canshuurta Guryaha

Axad, Abriil 03, 2016 (HOL) — Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Nuur Jimcaale Faarax ayaa sharci-darro ku tilmaamay Canshuuraha uu Maamulka Gobolka Banaadir ka qaadayo guryaha, isagoo ugu baaqay in sida ugu dhaqso badan uu u u joojiyo qaadista canshuurtaas.

Jimcaale ayaa sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir ay mid walba leedahay boonno u gaar ah oo lacag lagu qabanayo, taasoo uu sheegay inay tahay sharci-darro iyo xad-gudub.

“Hay’adaha Dowladda Soomaaliiya waxaa ka codsanayaa in Xisaabiyaha guud boonnadiisa la isticmaalo - boono kale oo lacag lagu qabanayo waa khalad, waxaa arkeysaa degmooyinka gobolka Banaadir inay leeyihiin boonno kala duwan, taasna waa ka digeynaa,” ayuu yiri Nuur Jimcaale.

Sidoo kale, Hanti-dhowrka ayaa sharci-daro ku tilmaamay lacagaha canshuurta ah ee qaado guryaha, isagoo xusay inay layaab tahay qaabka guryaha looga qaadayo canshuuraha oo ah mid aan adduunka ka jirin.

“Lacagaha canshuurta lagu sheegay ee guryaha laga qaado, lana leeyahay korna waa loo cabirayaa - hoosna waa loo cabirayaa, Adduunka meel ay ka shaqeyso ma jirto, waxaana leeyahay maamulka gobolka Banaadir si deg-deg ah waa inay u joojiyaan, shacabka Soomaaliyeed yaan Dowladda laga horkeenin, balse waa in laga shaqeeyo sidii la isugu xiri lahaa,” ayuu intaas ku daray Nuur Jimcaale.

Ugu dambeyn, Hadalka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa wuxuu imaanayaa xilli maamulka gobolka Banaadir uu billaabay qaadista Canshuuraha guryaha, taasoo inta badan degmoooyinka Muqdisho laga qaado, balse lama oga sida uu ka yeeli doono Maamulka amarka ah inuu joojiyo canshuurtaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya