4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2016
Iran oo Ban Ki-Moon ka dalbatay inuu kala hadlo Mareykanka si loogu Fasaxo Hantida ka Xayiran


Jimco, Abriil 29, 2016 (HOL) — Xukuumadda Iiraan, ayaa Weydiisatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon in uu Xukuumadda Washington ku Qanciyo in ay u fasaxdo Iiraan lacag dhan 2-bilyan oo Doollar oo laga xayiray, kaddib markii maxkamadda sare ee Mareykanka ay xukuntay in lacagtaan la siiyo qoysaskii dhibbanaayshii ku dhinteen Weerarkii ka dhacay Mareykanka bishii September ee 2001-kii.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iiraan, Javad Zarif ayaa ku boorriyay Ki-moon in isagoo Caawinaya Dowladda Tehran uuna ka Dhaadhiciyo Maraykanka sidii ay ugu Hoggaansami lahayd Shuruucda Caalamiga ah uguna soo Lacagta Xayiraadda ay kusoo rogtayna ay dib u fasaxdo.

“Tallaabadan Sharci-darrada ah ee Senators-ka Mareykanka ay ku Xayireen Hantida Iiraan waa mid laga soo shaqeeyay, Waayo ma ahan Sharci ama Awood ay u leeyihiin Xubnahan iyo Maxkamadaha Mareykanka, “ ayuu yiri Javad Zarif oo hadlayay Wakaaladda Wararka Reuters.

Dalabka Iran ayaa kusoo beegmaya xilli Xukuumadda Tehran ay ku eedeysay Mareykanka inuu ku fashilmay fulinta ballamadii uu qaaday xilligii qafiifinta Hubka Nuclear-ka ee Iran oo ahaa in Iiraan laga fududeynayo cuno-qabteyntii saarnayd, kaasoo ay qayb ka ahaayeen saxiidooda lixda waddan ee caalamka ugu quwada badan.

Sidoo kale, Wakiilada Iiraan ee QM, Ban Zarif inuu dadaal u galayo sidii loo sii dayn lahaa Hantida Iiraan ee ku xayiran Bangiyada Mareykanka, uuna ka Raaridi doono Xukuumadda Washington in ay joojiso Fara-gelinta ganacsiga maaliyadeed iyo heshiisyada caalamiga ah ee Tehran.

Hadalkaan kasoo baxay Iiraan ee ku aaddan in Mareyknaka lagu qanciyo inay hantida kaga xayiran Waddanka Mareykanka fasaxaan ayaysan weli mas'uuliyiinta Mareykanku ka bixin wax jawaab ah.

Ugu dambeyn, Mudane ka tirsan Congress-ka Dalka Mareykanka, ayaa Sannadkii 2007-dii sheegay inaysan jirin Cid fasixi karta hantida Iiraan kaga Xayiran Mareykanka, laakiinse la fasixi karo oo keliya haddii Xukuumadda Tehran ay bixiso Mag-dhaw lacageed oo gaaraya 2,65-bilyan oo Doollar, si mag-dhaw ahaan loogu siiyo qoysaska dhibbanayaashii 9/11.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya