4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2016
Tiro dad ah oo Maanta ku dhaawacmay Masaajid la dhisayay oo kusoo Dumay Duleedka Muqdisho


Jimco, Abriil 29, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 30-ruux oo ahaa - Shaqaale dhisme ku waday masjid maanta dumay oo ku yaalla deegaanka Garas-baaley ee duleedka Muqdisho ayaa ku dhaawacmay, halka tiro kalena ay weli burburka ku hoos jiraan, iyadoo la sheegay in xiliga uu soo dumayay Masaajidkan uu ku socday Shub.

Imaamka Masaajidkan soo Dumay, Sheekh Maxamed Xaashi Faarax oo u warramay VOA-da, ayaa sheegay in qaybtii dhismaha laga waday ee Masjidka ay soo duntay, xilligaasna ay dushiisa saarnaayeen masjidka 200 oo shaqaale ah.

“Shilkani wuxuu ahaa mid ku dhacay qadar ALLE ah, waxaana isbitaallada Muqdisho aan u qaadnay illaa hadda 30-qof oo dhaawac ah, kuwaasoo gabi ahaan ahaa shaqaalihii waday dhismaha lagu ballaarinayo Masaajidka,” ayuu yiri Imaamka Masjidka Sheekh Maxamed.

Wuxuu Sheekhu intaas ku daray. “Xalay roob baa da’ay, mana garanayno sababta keentay inuu Masjidku soo dumo, Balse wuxuu dumay markii shaqaaluhu ay shubka ku billaabeen masjidka.”

Imaamka Masaajidkan soo dumay, ayaa hadalkiisa ku daray in illaa hadda ay la’yihiin qaar ka mid ah shaqaalihii shubayay Masjidka ee hoos joogay, kuwa dhaawucu soo gaarayna ay dhammaantood ahaayeen kuwii dusha sare ee Masaajidka saarnaa.

“Weli wax dhimasho ah ma hayno, laakiin dad badan ayaa burburka masjidka ku hoos jira, kuwaasoo tiradoodu tahay illaa 10-qof, Waxaana hadda socda in laga dul-qaado burburka,” ayuu hadalkiisa raaciyay khadiibka Masjidka.

Dhanka kale, Imaamka Masaajidka ayaa sheegay in Injineerkii dhismaha Masjidkan waday ay xireen Ciidamada Booliiska ee CID-da, isagoo aan sheegin in sababaha loo ay tahay soo dumitaanka Masaajidka iyo in kale.

Ugu dambeyntii, Waxaa goobta uu masjidkan kusoo dumay ka socota hawlo la rabo in lagu soo badbaadiyo dadka ku  hoos jira weli, iyadoo aan la ogeyn inay weli nool yihiin inay ku dhinteen burburka.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya