4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2016
SAWIRRO: C/weli Gaas oo Heshiis maal-gelineed la galay Maal-qabeen u dhashay Dalka Sucuudiga

Jimco, Abriil 29, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Sucuudiga ayaa heshiis ku saabsan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland la saxiixday maal-qabeenka reer Sucuudi, Amiir Suldaan Bin Naasir Bin Cabdicasiis Aal-Sacuudi.

Heshiiskaan ah mid deegaanka Garacad ee gobolka Mudug looga dhisayo; Deked, Waddo laami ah oo isku xiri doonta Garacad iyo Gol-dogob iyo dhismaha garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale, heshiiska ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ah in Amiir Suldaan Bin Nasir uu maalgasho Warshado kalluunka iyo Qaboojiyeyaal laga hirgelin doono deegaannada xeebaha Puntland, Laas-qoray, Baar-gaal, Xaabbo, Eyl iyo Garacad.

Waxaa kaloo heshiiskaan qayb ka ah maal-gashiga xoolaha nool oo loo dhoofin doono Sacuudiga iyo Dugsiyo xirfadaha Kalluumeysiga, xaanadaha xoolaha iyo beeraha, kaasoo laga hirgelin doono deegaano ka tirsan Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland, C/wali Gaas ayaa ballan-qaaday inuu fulin doono heshiiskan, waxaana uu xusay in heshiiskan uu yahay mid taariikhi ah oo ka qayb-qaadan doono kobaca dhaqaalaha Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya