4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
SIILAANYO: Aniga Waxaa iga go’an in Doorasho Xalaal ah ay Dalka ka dhacdo 2017-ka (SAWIRO)

Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Siilaanyo, ayaa maanta ku dhawaaqay inay dib u billaaban tahay Diiwaan-gelintii codbixiyeyaashii ee mudadda bisha ah dib loo dhigay abaaraha awgeed.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in aanay dib uga dhaceen doorashadda sanadka dambe la filayo inay ka dhacdo dalka, taasi oo lagu waddo horaanta sanadka 2017-ka.

Sidaasna waxa uu ka sheegay munaasibad lagu daahfurey bilowga Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo maalinta sabtidda bishan Abril, soddankeedda, ka bilaabmi doonta gobolka Maroodi jeex.

Munaasabaddan lagu shaacinayey diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Maroodi jeex, ayaa lagu qabtey hoteel Guuleed ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo qaybgallay komishanka doorashooyinka qaranka, Asxaabta qaranka, xubno ka socday deeq bixiyeyaasha, ururada bulshada, masuuliyiin kala duwan, Madax-dhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan.

Madaxweyne Siilaanyo oo munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay, isaga iyo dawladda uu hogaaminayaaba inay dalka ka dhacdo, doorasho xor iyo xalaal ah, oo ku qabsoonta xiligii loogu talogalay, waxa kale oo uu soo jeeyey dhamaan codbixiyeyaasha in si hufan oo waddaninimo ku jirto looga qaybgalo diiwaangelintan taariikhiga ah ee socota, dhamaantoodna is-diiwaangeliyeyaashu, madaama ay qaan-gaadh yihiin, ay muujiyaan masuuliyad iyo in aanu qofna mar wax ka badna is-diiwaangelin.

“Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu waa laf-dhabarta hufnaanta doorasho xor iyo xalaal ah, sidaa darteed, waxa loo baahan-yahay in aynu ku qaabilno waddanimo iyo daacadnimo.Maadama dadka is-diiwangalinaya yihiin muwaadiniintii dalkan lahaa, waxa saaran masuuliyad, taasoo ah mid dastuuriya loona baahan yahay in uu si masuuliyad iyo qarannimo ku jirto u guto qofku.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo, waxaanu intaas ku daray “Waxa inoo bilaabmay raxmaadkii Illaahay,  abaartiina Illaahay wuu innaga jabiyey inteedii badnayd, sidaa darteed, waxaa inagu waajib ah Mahadnaq iyo xamdi Rabbi. Sidii balanteenu ahayd waxaynu halkii  kasii wadaynaa in aynu ka baxno muddadii aynu u hakinay abaarta kululayd.  Sidii ay iclaamiyeen Guddida Doorashooyinka Qarankuna waxaa bilaabmaya diiwaangalintii Cod-bixiyeyaasha ee Gobolka Maroodi-jeex oo ah gobolka ugu weyn, uguna muhiimsan, isla markaana ugu dadka badan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaan marar badan oo hore u sheegay, waxa aniga iga go’an, xukuumadda aan Madaxda u ahayna ku hoggaaminayaa  in ay dalka ka qabsoonto  doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta wakhtigii loo asteeyey ee ah horaanta 2017 Hadii Alle Idmo. Imika laga bilaabo waxaan iclaamiyey bilaabashada diiwaangalinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Mardooji-jeex, Ilaahayna talada iyo tubta wanaagsan ha ina waafajiyo.”

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay afhayeenka gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland mudane Siciid Cali Muuse waxaana uu ka dhawaajiyay in 30 bishan oo ku beegan maalinta sabtida ay si rasmi ah uga bilaabmyso diiwaagalintii codbixiyayashu gobolka maroodi-jeex, sidoo kalena waxa uu masuuliyiinta xisbiyada qaranka ugu baaqay inay ilaaliyaan shuruucda ay kala sexeexdeen saddexda xisbi qaran iyo komishanku.

Saciid Cali Muuse ayaa bulshada gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay ka qayb qaataan diwaangalinta isla markaana ay qaatan kadhka codbixinta ayna markaste ilaaliyaan nabad-galiyada iyo xasiloonida dalka.

Dhanka kale waxa iyagu hadalada goobtaasi isaga daba-maray mas'uuliyiinta sadexda xisbi qaran iyaga oo dhamaantood bulshada Gobolka maroodi-jeex ku booriyay inay is Diiwaan-galiyaan isla markaan ay qaataan kaadhka lagu codaynayo si ay markaasi u ugu codeeyaan cidii ay u arkaa inuu dalka iyo dadkaba wax u qabanayo, dhanka kalena waxay Guddiga ku amaaneen hawsha adag ay qaranka u hayaan, iyga oo sheegay inay u hogaan-sami doonaan xeerka diiwaangalinta ee lakala saxeexday.

Ugu dambeyn, Bilowgii bisha Abriil ayay ahayd in gobolka Maroodi jeex ay ka bilaabanto diiwaan-gelinta hase yeeshee abaarihii dalka ka jirtay awgeed ayaa madaxweynuhu muddo bil ah dib u dhigay taasoo Sabtidda dib loo bilaabayo diiwaangelintii gobolka Maroodi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland