4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
Qaar Ka Mid ah Carruurta Gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya oo Ka Qeybgalay Shirka Carruurta Kenya

Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL)-Maanta ayaa waxaa magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay kulan ay lahaayeen carruurta dalka Kenya oo ay ka qeyb galeen carruur ka kala socotay gobolada kala duwan ee Kenya.

Kulankaas ayaa waxaa hadaba ka qeybgalay carruur kasocotay gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya.

Shirkaas ayaa waxaa diirada lagu saarayay dhibaatooyinka lasoo darsa carruurta iyo sidii dhibaatooyinkaa lagu soo afjari lahaa amaba loo dhimi lahaa.

Kulankaas ayaa waxaa soo qabanqaabisay hayada QM u qaabilsan arimaha carruurta ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNICEF iyo hayada badbaadada carruurta ee Save the Children.

Ruqiyo Cabdullaahi oo ka yar da'da 18 sano jirka ayaa ayadu hoggaaminaysay carruurtii Soomaaliyeed ee kosocday gobolka Waqooyi bari Kenya. Waxay sheegtay inay u qumtay sidii loo yareyn lahaa xadgudubyada ka dhanka ah carruurta gobolkaasi Soomaalidu dagto ee Kenya iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee Kenya.

Ugu dambeyntii ayaa carruurtii ka qeybgashay shirkaas waxay doorteen madax kumatali doonta shirarka iyo fagaareyaasha caalamiga ah.

Qore: Aaden M Warsame

[email protected]