4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
Machadka Heritage oo soo jeediyay in wax laga bedelo heshiiska doorashada 2016 (DHAGEYSO)


Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL) — Machadka Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Heritage oo xaruntiisu tahay Muqdisho, ayaa ugu baaqday Baarlamanka Federaalka Somaaliya inuu sixitaan ku sameeyo Qaabka Doorashada ee ay dhawaan ku heshiiyeen madaxda Dowladda Somalia iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka.

Daraasad ay soo bandhigtay hay’adda ayaa xustay in mas’uuliyiintaas uu heshiiska siinayo awoodo badan, inaanu jirin dammaanad qaad in 30% haweenka ay ka heli karaan aqalka hoose ee baarlamaanka lasoo dhisi doono.

Agaasimaha Machadka Heritage, C/rashiid Khaliif Xaashi oo sharaxayay Daraasada ay soo saareen, ayaa wuxuu sheegay inay dib u eegis ku sameeyeen go’aannadii ay madaxda dalka Somalia kasoo saareen shirkii lagu qabtay Muqdisho, Waxaanan Qiimeynay Talooyinkii ay soo jeediyeen ayna u gudbiyeen baarlamaanka Somalia.

“Innagu waxaan Talo ku darasannay Baarlamaanka, Waxaana u soo jeedinnay inay saxaan qurxiyaanna go’aannada ay madaxda Qaranku soo saareen. Gaar ahaan cidda maamulaysa doorashooyinka soo socda,” ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi.

DHAGEYSO: Wareysiga C/rashiid Khaliif Xaashi uu kaga hadlay Arrintaan - VOA;

Sidoo kale, Agaaasimaha Heritage ayaa hadalkiisa ku daray “Waxaanu soo jeedinnay in la yareeyo awoodda ay isi siiyeen Siyaasayiintaas, kuwaasoo in badan oo ka mid ah ay yihiin Murashaxiin Madaxweyne, lagana dhigo hab dhexdhexaad ah oo waari kara.”

Mar uu soo hadal qaaday dhismaha Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Somalia ayuu sheegay C/rashiid Khaliif oo la hadlayay VOA-da inay Madaxdu soo jeediyeen in madaxda maamul-goboleedyadu ay laba nin Baarlamaannadooda, kuwaasoo kala dooranayaan, Taas Waxaan u aragnay in Aqalka Baarlamaanka ay wax u dhimayso, inagoo soo jeedinnay buu yiri in intaas laga waasiciyo ayna shacabka deegaannadaas ay qayb ka noqdaan doorashada cidda xildhibaan u noqonaysa.

Ugu dambeyn, Machadka Heritage ayaa dihnaca kale ku baaqay in Muqdisho ay ku yeelato wakiillo Aqalka Sare ee baarlamanka cusub ee lasoo dhisi doono.

SOO ROGO: Daraasadda Machadka Cilmi-baarista HERITAGE oo Dhameystiran;

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya