4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
Austria oo hir galisay xeer adag oo hor istaagaya qaxootiga

 

 

Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL)-Dowladda Austria ayaa meel marisay mid ka mid ah sharciyadii ugu adkaa ee qaaradda Yurub oo ka dhan ah qaxootiga magan galyo doonka ah ee kusii qul qulaya dalalka midowga Yurub.

 

Sharcigaan oo ay xubnaha baarlamaanka Austria dhawaan ku ansixiyeen kal fadhigooda ayaa dhigaya in la xakameeyo dhaqdhaqaaqyada dadka soo galootiga ah ee u hanqal taagaya in ay wadankaasi gaaraan.

 

Sidoo kale dowladda ayuu sharcigaan u ogolaanayaa in ay xaalad deg deg ah ku dhawaaqi karto hadii ay faraha ka baxdo tirada dadka qaxootiga ah ee gudaha u gala wadanka Austria.

 

Xeerkaan adag ayaa waxaa ku jira qodobo dhigaya in xitaa dadka qaxootiga ah ee kasoo cararay dalalka ay dagaalladu ka socdaan sida Suuriya iyo Soomaaliya iyo weliba Ciraaq iyo Afghanistan laga celin karo xuduuda uu wadankaasi la wadaago dalalka kale ee qaaradda Yurub.

 

Tallaabadaan ayaa timid maalin kadib markii siyaasi ka socda xisbiga midigta-fog uu guul kasoo hooyay wareegii 1-aad ee doorashada madaxtinimada.

 

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha, hogaamiyeyaasha diimaha iyo axsaabta mucaaradka ee dalka Austria ayaa durba si kulul u cambaareeyay arrintaa oo ku tilmaameen mid ka hor imaaneysa shuruucda caalamiga ah ee u yaalla xuquuqda aadanaha.

 

Qore: Aaden M Warsame

[email protected]