4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
DABA-GEED: Shirka Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh. Dhexe meel Wanaagsan ayuu Marayaa


Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] ayaa warbaahinta u sheegay in meel wanaagsan uu marayo shirka dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka maamul la dhisayo inta badan jirin karaan tabasho iyo khilaaf soo kala dhax-galla beellaha maamulka wadda sameysanaya, hasse ahaatee waxaa uu hoostaga ka xariiqay in la xalin doono dhamaan wixii dhaliilo ah ee jira.

''Maamulka waa la dhisayaa, wixii khaladaad ah ee jira waa la sixi doonaa, marka maamul la dhisayo dadku waa is khilaafayaa, waxbaa la kala jiid-jiidanayaa, anigaa wax waa igu yar yihiin iyo anniga halley badaniyo wey iska imaaneysaa, laakiin waxaa cad in aan la diidaneyn in maamulkaasi dhismo'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

 Marka la dhiso maamulka kaddib ayuu sheegay in wax kasta oo khaladaad ah ee jira dib laga saxayo, laakiin muhiimada ugu horeysa tahay in marka hore la helo maamulkii arrimahaa oo dhan ka shaqeyn lahaa.

Inkastoo gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan sheegay in meel-wanaagsan uu marayo shirka Jowhar, haddana dhinaca kale kama uusan qeyb-galin furitaankii wajiga labaad ee shirka, madaama labada guddoomiye gobol Hiiraan & Sh/dhexe ka wadda qeyb-galleen daah furka wajigii hore.

Duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa wali ka biyo diidan ka qeyb-galka shirka Jowhar ka soconaya, waxaana taa badalkeeda magaalada Beledweyne ka socda shirweyne dib-u-hishiisiin ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya