4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
Maamulka Galmudug oo Hay'adaha Q/Midoobay ka Dhaadhiciyay inay ku Shaqeeyaan Cadaado


Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL) — Xubno ka socday hay’addo ka tirsan kuwa Qaramadda Midoobay ayaa qiimeyn ku sameeyay Ammaanka Magaalada Cadaado; sida Hoteel;ada, xabsiyada xarumaha ay ku shaqeeyaan hay’adaha aanan dowliga aheyn ama (NGO) sida ay xaqiijiyeen maamulka magaaladda cadaado.

Ka dib u kuur galinta Amaanka Magaaladda ayay Kulan la qaateen waxaa looga dhaadhiciyay in ay ka howlgalaan magaaladda Cadaado ee gobolka Galgaduud, wasiirka Cadaaladda Maamulka Galmudug C/qaadir Sheekh Cali ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin qiimeynta lagu sameeyay magaaladda, waxa uu yiri “ rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in ay hey’addo Ka tirsan Qaramada midoobe (QM) ay ka shaqeyn doonaan magaaladda Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Magaalada Cadaado waxa ay xarun ku meel gaar ah u tahay maamulka Galmudug haddii ay ka shaqeeyaan hey’addaha Qaramadda midoobe hoos-tago waxa ay faa’iido ugu jirtaa shacabka oo amni ahaan iyo shaqo ahaan ku faa’iidi doona sida ay rumeysan yihiin maamulka Galmudug .

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya