4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
Wasaarada Maaliyada oo Baarlamanka Somalia ka codsatay Meel-marinta Sharciga Maaliyadda


Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL) — Si loo hubiyo Dakhliga maaliyadeed ee Dowladda FS, uuna u noqdo mid leh sharci lagu maareeya ama lagu maamulo ayay wasaarada Maaliyada ee xukuumadda soomaaliya waxa ay sharci ka hadlayo maareynta Maaliyadda u Gudbisay xukuumadda ,sida sharciga ah xukuumadda soomaaliya ayaa baarlamaanka u soo gudbisay.

Hindiso sharciyeedka maareynta maaliyada wuxuu maalinkii shalay ahaa maray akhrintii koowaad ,akhrinta labaad ka dib ayuu baarlamaanka dalka ka doodi doonaa sida ku cad xeer hoosaadka baarlamaanka dalka ay ku shaqeeyaan.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda ee Xukuumadda Somalia, Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa yiri. “Sharciga wuxuu muhiim u yahay Qaranka haddii la Ansixiyo Waxaa lagu guuleysan doonaa in la maareeyo maaliyadda dalka si sharciyan ah ,wasaaradda maaliyadda waxa ay dadaal u gashay in soomaaliya laga cafiyo deemaha lagu leeyahay ama ay u qalanto in laga cafiyo haddii sharcigaan la meer mariyo kalin weyn ayuu ka qaadan doonaa .

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, Maxamuud Xayir ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay ka Codsanayaan Baarlamaanka Somalia inuu Meel-mariyo Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyada ,howshiisana uu dedajiyo.

Waa markii labaad ee baarlamaanka dalka la hore-keeno hindisa sharciyeedka maareynta maaliyada oo hadda lagu guuleystay in akhrintiisa koowaad la mariyo. Akhrinta labaad ka dib ayuu u gudbi doonaa dood galin iyo meel marin.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya