4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2016
SAWIRO: Isu-taga ururada shaqaalaha oo markii labaad u Doortay Maxamed Cismaan Gudoomiye

Arbaco, Abriil 27, 2016 (HOL) — Shir-weynihii  Labaad ee Isu-tagga Ururka Shaqaalaha Soomaliyeed ee ITUSS oo shalay ka furmay Muqdisho, ayna ka Qayb-galeen ergooyin ka kala socday ururrada xubnaha ka ah - ITUSS, Waxaana goob-joog qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka, Agaasimaha Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Shaqaalaha Soomaaliya, Maxamed Cade Mukhtaar iyo Agasimaha waaxda shaqada & shaqalaha, C/risaaq Macallin Cilmi.

Waxaa kaloo shirweynahan ka qayb-galay guddiga Baarlamaanka Soomaaliya ee Arrimaha Bulshada oo uu hoggaminayay Xoghayaha Guddigan Xildhibaan C/llaahi Abshirow, Xog-hayaha Guddiga Cadaaladda Baarlamaanka, Xildhibaan Maxamed Amiin iyo Xog-hayaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka xildhibaan Cismaan X. Cali iyo Xildhibaan Ibraahim Dey-fullah - oo ah Xog-hayaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka iyo Xildhibaan Axmed Cumar Islow.

Furitaanka shirka, kaddib waxaa la gudo-galay doorashada hogaanka urur-weynaha shaqaalaha, iyadoo guddomiyaha guddiga doorashada, Xasan Jimcaale uu sheegay xubnaha isku soo taagay xilka guddoomiyaha iyo xoghayaha ururka, isagoo xusay in Maxamed Cismaan Xaaji Cali oo ahaa Guddomiyihii Waqtigu ka dhammaaday iyo Abuukar Salaad Xassan ay u taagan yihiin xilka guddoominimada, halka xoghayaha Ururka ay isku soo Sharraxeen laba xubnood oo kala ahaa; Axmed Xasan Cumar iyo Aweys C/raxmaan C/llaahi.

Guddoomiyaha Guddiga, ayaa intaas ku daray in ergada codeynaysa ay yihiin 120-xubnood, isagoo hadalkiisa raaciyay in lagu codeynayo sanduuq dhalo ah, isla mar ahaantan Codeynta xubnaha Golaha fulinta ay Codeyntoodu noqon doonto Gacan-taag.

Sidoo kale, Codbixinta kaddib ayay guddigu billaabeen tirinta codadka, waxaana ku dhawaaqay natiijada codeynta guddoomiyaha guddiga doorashada, isagoo xusay in murashaxiintii tartamayay ay codadka u kala heleen; Maxamed Cisman Xaji Cali oo helay 98-cod, Abuukar Salaad Xasan oo helay 18-cod iyo saddex cod oo hallowday, iyadoo xilka Guddoomiyaha Isu-tagga Urur-weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed loo doortay, Maxamed Cismaan Xaaji Cali. Iyadoo mid ka mid ah murashaxiintii isu soo taagay xilka Xoghayaha Ururka uu Tanaasulay, sidaasna cod gacan-taag ahaa loogu codeeyay Axmed Xasan Cumar.

Guddoomiyaha la doortay Maxamed Cisman Xaaji Cali oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa ku guubabiyay Shaqaalaha in la dhawro Wadjirka Shaqalaha, wuxuuna intaas ku daray in shaqaalaha Soomaaliyeed ay kor u qaadan Wax-soo-saarka kala duwan si meesha looga saaro ku tiirsananta shisheeyaha, wuxuuna DF Soomaaliya ugu baaqay ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Xoghayaha guud ee guuleystay, Axmed Xasan Cumar isaguna goobtaas hadallo ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada loo doortay xilka, isagoo ballan-qaaday inuu horumarin doono Shaqaalaha Soomaaliyeed, isla markana uu la dirirayo Dadka magac Shaqalaha xumeynaya, wuxuuna Shaqaalaha Soomaaliyeed ku tilmaamay kuwa ka mira-dhalin kara hawlaha ay tiigsanayaan.

Waxaa isaguna Goobtaas ka hadlay Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Cismaan Cilmi Guuleed oo sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay ka dowladda ka madax-banan yihiin, isla markaana ay yihiin shaqaale xor ah.

Xildhibaan Maxamed Amiin oo ah Xoghayaha Guddiga Cadaalada Baarlamaanka  FS oo isaguna goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyay Guddomiyaha iyo Xoghayaha la doortay, isagoo sheegay inay muhiim tahay in Dastuurka qabyada ah ee dalka lagu daro sharciyada Shaqalaha, Wuxuuna tilmaamay inaysan ku filneyn Qodobbada ku hadda ku jirta.

Ugu dambeyn, Waxaan isagana hadlay Xoghayaha Arrimaha bulshada Baarlamanka Somalia, xildhibaan C/llaahi Cumar Abshiroow oo tilmaamay in ay arkeen Doorasho xalal ah oo ku dhacday si wanaagsan, isagoo ugu baaqay inay dhaliyaradu ka qayb-qataan siyaasadda Dalka, ayna si dhaw ula shaqeynayaan Isu-tagga Urur-weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya