4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2016
MADEIRA: Dadaallo dheeri ah ayaa loo baahan yahay si aan uga HOR-TAGNO Marin-habaabinta


Arbaco, Abriil 27, 2016 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay in loo baahan yahay Dadaallo dheeri ah si looga Hor-tago Marin-habaabinta iyo Xag-jireynta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo in Waxyeellooyinka ay Al-shabaab geysanayso.

Danjiraha oo ka hadlay kulan warbaahineed lagu qabtay Magaalada Muqdisho, ayuu xusay in inkastoo horumarro ballaaran laga gaaray dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, Haddana loo baahan yahay in la xakameeyo fiditaanka argagaxisnimada.

“Waxaanu doonaynaa inaan ka hor-tagno marin-habaabinta dhallinyarada Somalia. Waana in Dhallinyarada laga Wacyi-geliyo marin-habaabinta Al-shabaab; Waana laga Wanaagsan inay Dhallinyaradu ku biiraan kooxaha dhibaatada kawada dalkooda,” ayuu ku yiri Danjire Madeira hadal uu kulanka ka jeediyay.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa xusay in hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu isku dayi doonto inuu siiyo Dhallinyarada Soomaaliyeed; Waxbarashada, Guryo iyo Cunno si looga hor-tago inay Al-shabaab marin-habaabiso.

Isagoo sii hadlaya ayuu ergaygu ka hadlay dadaallada socda ee looga hor-tago inay hub iyo Kaalmooyin kale ee ay helaan Kooxo uu ugu yeeray Argagaxisada, isagoo Qorshahaasu ku tilmaamay mid lagu jarayo dhammaan ilaha ay dhaqaalaha ka helaan.

Bishii Feberaayo ee sannadkan 2016-ka, ayaa waxaa waddanka Jabuuti lagu qabtay shir ay ka qayb-galeen Hogaamiyeyaasha dalalka ay ka socdaan ciidanka AMISOM, iyadoo looga dalbaday Beesha Caalamka inay Al-shabaab ka jaraan Dhaqaalaha ay helaan, lana Ciqaabo cid walba oo maal-gelinaysa meel walba oo ay joogto.

“Waxaan Beesha Caalamka kala shaqeynaynaa sidii loo yareyn lahaa saanadaha ay ka mid yihiin hubka ee soo gaaraya Al-shabaab, qaasatan kuwa Soomaaliya kasoo galaya Yemen,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Dhanka kale, Bishii lasoo dhaafay ee Maarso ayaa waxay ciidamada Faransiiska iyo kuwa Australia ee ku sugan xeebaha Somalia ay gacanta ku dhigeen laba doomood oo shixnado hub ah waday, hubkaas oo ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in hubkaas uu si toos ah ugu socday Al-shabaab.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa wuxuu rajo ka muujiiyay in hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab lagu guuleysan doono, haddii shacabka Soomaaliyeed ay doorkooda ka qaataan, si Soomaaliya dib loogu xasiliyo.

“Anigu waxaan ku faraxsanahay in dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee aan kula soo kulmay Magaalooyinka Barwaawe, Garoowe, Kismaayo, Balad-weyne, Muqdisho iyo welia kuwo kale oo badan ay Muujiyeen sida ay uga go'an tahay La-dagaallanka Al-shabaab,” ayuu ku daray hadalkiisa Danjire Madeira.

Ugu dambeyn, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia ayaa xusay in AMISOM ay sii Wadi doonto Dadaalladeeda ku aaddan Xasilinta Soomaaliya, Xoojinta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Somalia, si ay awoodda Dowladnimo ugu baahiyaan Dalka oo dhan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya