4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 27, 2016
Dhaqaalaha Soomaaliya; Xaqiiqda iyo Rajooyinka Laga Qabo Mustaqbal Wanaagsan [Faalo]

 

Arbaco, Abriil 27, 2016 (HOL)-Soomaaliya ayaa waxay leedahay dhul aad u ballaaran oo ah 639,659km oo isku wareeg ah. Waa dhul aad u ballaaran oo dhaqaale badan laga dhalin karo loona adeegsan karo hawlo dhaqaale oo aad u fara badan.

Soomaaliya waxaa Alle hibo u siiyay dhul hodan ku ah wax soo saarka beeraha, xoolaha nool oo leh geel, ari iyo lo' intaba. Soomaaliya waxay sidoo kale leedahay kheyraad fara badan oo dabiici ah. Xeebta Soomaaliya ayaa aad u dheer oo waxaa dheerarkeedu le'eg yahay qiyaas ahaan 3,330km.

Inkasta oo caqabado badan oo dagaalka sokeeye uu keenay ay jiraan hadana Soomaaliya waxay cudud u leedahay inay gacan ka geysato kobaca dhaqaalaha, fursadaha shaqo iyo maciishad wanaagsan oo ay ku naaloodaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadyowga dalalka dariska ah.

Soomaaliya waxay hadaba leedahay saddex qeybood oo waaweyn oo dhanka waxsoo saarka ah kuwaas oo xoojin kara sarena u qaadi kara dhaqaalaha. Mid waa kalluumeysiga. Sanadkii 1994, Soomaaliya waxay soo saartay 30,000 oo tan oo kalluun ah.

Mustaqbalka dhow gaar ahaan sanadka 2018 ayaa waxaa la filaayaa in Soomaaliya ay soo saari doonto ilaa 100 kun oo tan oo kalluun ah sanadkii.  Si kastaba ha ahaatee, waxaa wax soo saarka kalluumeysiga Soomaaliya la gaarsiin karaa ilaa 200 oo kun oo tan sanadkiiba ayadoo sanad waliba laga soo xareyn karo adduun lacageed oo dhan $200, 000.

Qeybta kale waa wax soo saarka beeraha. Labada webi ee waaweyn ee Soomaaliya oo kala ah Jubba iyo Shabeele waxaa aag loogu isticmaali karaa waraabka beeraha. Waxyaabo badan oo ah dalagyo noocyo kala gadisan ah ayaa laga soo saari karaa koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo weliba qeybo kale oo dalka ah.

Roobab gaarsiisan 500-600mm ayaa ka da'a koofurta iyo bartamaha Soomaaliya kuwaasoo waxsoo saarka beeraha iyo dhirta aad u anfaca. Wax soo saarka raashinka ayaa aad uga badan kara inta ay u baahan yihiin dadka Soomaaliya inay quutaan oo raashin badan oo Soomaaliya lagu tacbay ayaa dibadaha loo iib geyn karayaa.

Xoolaha Soomaaliya ayaa ah qeybta saddexaad oo wax soo saarka xoolaha nool ayaa lagu qiyaasay inay 40% dhaqaalaha guud ee dalka (GDP) ay kusoo kordhiyaan. Sanadkii 2014 oo qura, ilaa 5m oo xoolo nool ah ayaa laga dhoofiyay Soomaaliya. Waxaa sanadkii kasoo xarooda lacag ka badan $360 milyan iibka xoolaha nool ee Soomaaliya.

Hadii marka saddexdaa qeybood ee dhaqaalaha oo kaliya si wanaagsan loo maareeyo Soomaaliya waxay mar kale noqon kartaa xarun weyn oo ganacsi oo gobolka intiisa kale ka horeysa.

Qore: Aaden M Warsame
[email protected]