4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2016
Ururka Midowga Afrika oo sharraxay Sababaha ay u dhimeen Mushaarkii Ciidamada AMISOM


Arbaco, Abriil 27, 2016 (HOL) — Ergayga Ururka Midowga Yurub ee Arrimaha Somalia Michele Cervone D’Urso, ayaa ka hadlay sababaha ay 20% uga dhimeen Mushaaraadkii ay siin jireen ciidamada Midowga Afrika ee ka hawl-gala Soomaaliya [AMISOM].

Danjire Michele Cervone ayaa xusay in horay ugu wargeliyeen taliska AMISOM inay dhimayaan mushaarka ay qaataan ciidamada AMISOM, isagoo intaas ku daray inay in lacagaha ay ku taageeraan ciidamada AMISOM ay meelo kale u weecinayaan.

Sidoo kale, Wakiilka oo la hadlayay Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay inay Midowga Yurub uu yahay taageeraha ugu weyn AMISOM, ayna sannad walba ku bixiyaan hawl-galka 200-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Wakiilka oo sii hadlayay, ayaa wuxuu intaas ku daray inay muhiim tahay in la dhiso ciidamada millateriga Somalia, isagoo ka digay inaan si qaldan loo fasirin sababaha ay u dhimeen mushaarkii ciidamada AMISOM.

Dhanka kale, Midowga Afrika ayaa sheegay in askariga ciidamada AMISOM ka tirsan uu mushaar ahaan u qaatan doono bishii 828-doollar, iyadoo dalkiisa 200-doollar ka goosanayaan mushaarkaas, lacagtaasoo ay ay ku sheegeen inay horay u jirtay.

Mushaarka a`skariga ka tirsan AMISOM ayaa horay u ahaa 1,000-doollar, waxaana horay la is-weydiin jiray sababta Askariga AMISOM lacag intaas dhan uu ugu qaato hawl-galka ay ka wadaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Francisco Madeira ayaa isaga dhankiisa sheegay inay raadinayaan ururo kale oo taageera ciidanka AMISOM, kuwaasoo uu sheegay in dhaqaalaha ay ka helaan ay u adeegsan doonaan hawlaha ay Somalia ka hayaan.

Si kastaba ha ahaate, Ciidamad AMISOM ayaa horay loogu eedeeyay inaanay wali wax horumar ah ka sameyn dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, marka loo eego sagaalkii sano ee ay hawlgallada millateri ka wadeen Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya