4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2016
Koox Hubeysan oo Caawa Gurigiisa ku weeraray xildhibaan ka tirsan xubnaha Baarlamaanka FS


Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) — Ugu yaraan Afar qof oo ahaa ilaalada xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow oo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa ku dhaawacmay weerar ay caawa kooxo hubeysan oo mootooyin watay ku qaadeen Guriga Xildhibaanka oo ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xildhibaan Dhaayoow ayaa la sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo weerarkaan kasoo gaaray, iyadoo xilliga weerarku dhacayay xildhibaanku ku sugnaa gurigiisa, mana jirto cid illaa hadda sheegatay mas'uuliyadda Weerarkaan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Dabley watay laba mooto oo kuwa Bajaaj-ta loo yaqaan ah ay caawa ku qaadeen guriga Xildhibaan Dhaayow, isagoo sheegay dableydu ay bambaanooyin ku tuureen guriga xildhibaanka ayna baxsadeen.

“Dableydu bambooyin ayay ku tuureen Guriga xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ku yaalla Degmada Hodan, Waxayna dhaawacyo fudud ka soo gaareen afar ilaaladiisa ka mid ah, mana jiraan khasaare intaas ka badan oo ay geysteen,” ayuu yiri afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciidamada Amaanka Dowladdu ay ku Raad-joogaan kooxihii hubeysnaa ee weerarkan geystay, isagoo sheegay in kooxaha weerarkaan geystay aan weli la garanayn cid ay ka tirsan yihiin, laakiin ay Tuhmayaan inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Ugu dambeyn, Xildhibaanka caawa gurigiisa lagu weeraray ayaan weli ka hadlin Weerarka caawa ay ku qaadeen gurisiisa kooxaha hubeysan, iyadoo guriga xildhibaanku uu ku yaallo meel u dhaw xarunta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya