4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2016
Hogaamiyaha Mucaaradka dalka South Sudan oo Maanta Magaalada JUBA ku laabtay (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) — Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu laabtay caasimadda waddankaas ee Juba, kaddib dib u dhacyo is-daba-jooga ah oo ku imaanayay dib ugu noqonashadiisa magaalada Juba tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay.

Dib ugu laabashada Magaalada Juba ee Riek Machar, ayaa waxay soo af-meeraysaa muddo laba sano ah oo uu ka maqnaa Caasimada dalkiisa, kaddib markii ay isku dhaceen isaga iyo madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan Salva Kiir oo uu u ahaa madaxweyne ku xigeen.

“Waxaanu doonaynaa in aan shacabkeena isku keenno si ay u midoobaan, sidoo kalena aan ka daweyno dhaawacyadii gaaray,” ayuu yiri Riek Machar oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Juba, markii uu maanta dib ugu laabtay.

Riek Machar ayaa waxaa magaalada Juba geysay diyaarad ay QM leedahay oo ka soo qaaday dalka Itoobiya, kaddib markii xukuumadda dalkaas ay ogolaatay inay magaaladaas tagaan taliyaha xoogagga mucaaradka iyo ciidammo badan oo aad u hubeysan si ay u ilaaliyaan amnigiisa.

Sidoo kale, Machar oo uu sannadkii hore mar kale u magacaabay xilka madaxweyne ku xigeenka dalkaas, madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa lagu wadaa inuu u dhaarto jagadaas, taasoo qayb ka ah fulinta heshiiskii ay horay u kala saxiixdeen dhinacyada isku haysta awoodda maamul ee dalkaas.

Taliyaha xoogagga mucaaradka South Sudan, Simon Gatwech Dual oo isaguna dib ugu laabtay shalay magaalada Juba ayaa wuxuu maanta yiri. “Reer South Sudan oo dhan waa ummad mid ah.”

Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan hay’adda xasaradaha adduunka ee ICG ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay in maalmaha ugu horreeya la qaboojiyo xaaladda, isla markaana laga hor-tago wax walba oo abuuri kara colaad iyo khataro kale.

“Waxaan doonaynaa in malleeshiyaadka hubeysan ee labada dhinac ay xeryahooda ku sugnaadaan, shacabkana la siiyo waqti... dhinacyada dagaalamay iyo xubnihii ay colaaduhu horay u dhexmareen, Waana in digtoonaan dheeraad ah ay muujiyaan,” ayuu yiri Casie Copeland oo ka tirsan ICG.

 

Siyaasiyiinta caalamka ayaa iyaguna ku tilmaamay dib u soo laabashada Machar ee magaalada Juba inay tahay fursad aad u wanaagsan, iyagoo xusay inkastoo ay jirto cadaadis ay caalamka ku saareen inuu dib ugu laabto Juba, hadddana ay arrintani u tahay muhiim meel-marinta heshiiskii horay ay dhinacyadu u kala saxiixdeen.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ilaalinaya ciidan ka badan 1,500, kuwaasoo xukuumadda Juba ay ku tilmaantay kuwo xad-dhaaf ku ah caasimadda, inkastoo ay jiraan ciidammo fara badan oo lagu hayo saldhigyo ku yaalla dulleedka magaalada xarunta ah ee Juba.

Ugu dambeyn, Colaadihii sokeeye ee dalka South Sudan ka qarxay sannadkii 2013-kii ayaa salfaday nolosha kumannaan qof oo shacab ah u badan, iyadoo sidoo kale ay ku barakaceen malaayihiin qof oo kale, kuwaasoo haatan qoxooti ku ah dalalka Kenya, Itoobiya iyo kuwo kale oo gobolka kuyaalla.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya