4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2016
Wasaaradda Armniga Gudaha Somalia oo furtay Shir looga Hadlayo Tayeynta Booliiska Somalia


Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) — Shirkan oo looga hadlayo Qaab-dhismeedka Ciidamada Booliiska Soomaaliya, ayaa wuxuu maanta ka furmay muqdisho, wuxuuna oo socon doona Saddex casho, Shirkaan inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa, Qaab-dhismeedka ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Boolsika heer Qaran iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Waxaa Shirkan furay Wasiirka Amniga Gudaha Somalia C/risaaq Cumar Maxamed iyadoo ay ka soo Qayb-galeen,Taliyaha Booliiska Somaaliyeed, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga gudaha, xubno ka socday Wasaradaha Amniga maamul-goboleedyada Somalia iyo Maamulada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan iyo  khubaro dhanka sharciga ah iyo amniga ku taqasusay.

Sidoo kale, Ka-qeyb-galayaasha Shirkan waxay si kulul uga doodeen heerka ay Gaarsiisan tahay Wada-shaqeynta Ciidamada Booliiska iyo Shacabka intiisa kale,Waxayna isla Aragti gudbinta uga hadleen inay muhiim tahay tayaynta ciidanka booliska.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Kulankaan ay ka filayaan in ay kasoo baxaan arrimo wax-gal u ah tayeynta Booliska Soomaaliyeed. Heer Federaal iyo mida maamul goboleedyada.

“Shirkan oo uu maanta noo furay Wasiirka Amniga, wuxuu daba joogaa Shirkii bishii hore magaalada Nairobi ka dhacay oo ku saabsanaa qaab dhismeydka ciidanka booliska Somalia maadaama Dowlad goboleedyo ay dalka ka jira, kuwa hadda ay dhismayaan marka waxaa lagama maarmaan noqotay in arrintaas laga tashto”ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Wasiirka Amniga Gudaha Somaaliya, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xusay in arimaha ka qeybgalayaashu ay diiradda saarayaan ugu muhiimsna tahay in la qeexo doorka iyo shaqada ciidanka booliska maamul-goboleedyada iyo kuwa federaalka Soomaaliya, isla markaana ay u sameynayaan guddi farsamo oo cadeyn doona arrintaasi.

Ugu dambeyn, Ciidanka waa cududa uu waddan leeyahay waa muhiim in la tayeeyo lagana fikiro Qaab-dhismeedka Ciidanka Booliiska Somalia si ay u hantaan amniga magaalada iyo hab la dhaqanka bulshada, kalsoonida imaanayso inta qaar ka mid ah ciidanka cabasho laga muujinayo, si taasi looga gudbo, Waa mihiim in laga hadlo aayahay ciidanka nooc kasta oo ay noqdaan.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya