4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2016
SAWIRRO: Hay’adda Daryeel oo ka ururisay Minnesota Dhaqaale Isbitaal looga dhisayo Goldogob

Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL) — Hay’adda Daryeel oo Caafimaadka ka shaqaysa, ayaa ku qabatay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota kulan ay lacag ugu ururinaysay Isbitaal la doonayao in laga dhiso magaalada Gol-dogob ee gobolka Mudug, Soomaaliya kasoo noqon doona isdbitaal lagu daweeyo Hooyada iyo Dhallaanka.

Madaxa Hay’addan, Xaawo Axmed ayaa sheegtay in waxa ku kallifay hawshaan ay tahay in markii ay dhawaan booqatay deegaankaan ay maqashay Umul-raaca  haweenka oo aad ugu badan, isla markaana uusan jirin isbitaal u gaar ah haweenka iyo dhallaanka. Waxaa kaloo Xaawa ay sheegtay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gacan ka gaystaan dhameystirka hawsha isbitaalkan.

Culummadda kala ah; Sheekh C/risaaq Xaashi iyo Sheekh C/risaaq San-caani oo ka hadlay iyaguna kulanka ayaa iyaguna sheegay in waxa ugu qiimaha badan ee wax lagu bixiyo ay tahay middaan oo kale, loona baahan yahay in qof walba oo ALLE ka rajeynaya Janno uu kaalintiisa ka qaato.

 

Sadik Warfaa oo ka mida wax-garadka Soomaaliyeed ee Minnesota degen ayaa aad uga hadlay in dadka Soomaaliyeed ee dalka ku nool ay ku shaqeeyaan Iskaa-waxu-qabso, nidaamkaas oo horumar lagu gaaray horraantii Toddobaatanaadkii, wuxuuna ka hadlay in dadka Soomaalida ah intay wax beeran lahayeen ay ka dooreen inay wax baryaan, waxaa loo baahan yahay buu yiri inaan isku kalsoonaanno.

Dhanka kale, Waxaa iyaguna goobta ka hadlay, Hibo Maxamed iyo Cadar Axmed Kaahin oo iyuguna taageeray mashruuca Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Magaalada Gol-dogob.

Ugu dambeyntii, Waxaa lagu soo bandhigay kulanka gabayo ay soo jeediyeen Abwaanada kala ah C/naasir Dhega-dheere iyo Luqmaan Cali Waraabe.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
Siyad@hiiraan.com
Minneapolis Minnesota