4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2016
Hayadaha Soomaaliya Kashaqeeya: Dhibaato Baniaadminimo oo Kusoo Fool Leh Soomaaliya

 

 

 

Talaado, Abriil 26, 2016 (HOL)-23 hayadood oo gargaar oo ka hawl gala Soomaaliya ayaa ku baaqay in Soomaaliya lala soo gaaro gargaar dagdag ah iyo deeqo si looga hortago xaalad El Nino oo dalka kusoo fool leh waa sida ay ku xuseen war murtiyeed maanta ay hayadahaasi soo saaren.

 

War murtiyeedkaas oo qoraal ahaa isla markaana nuqul ka mid ah uu soo gaaray xafiiska warqabadka ee Hiiraan Online ee Nairobi ayaa lagu xusay in sanadkaan 2016 la diiwaan gashay xaaladii ugu xumeyd ee abaareed iyo mid roobab mahiigaan ah oo saamaynaya in ka badan 60 milyan oo qof caalamka oo idil.

 

El Nino saamaynteeda ayaa gobolka Geeska Afrika oo ay Soomaaliya kujidho aad looga dareemay sida ay hayadahaasi war murtiyeedkaa kusheegeen arintaasoo ka saayid caleysay dadkii markii hore unuglaa dhibaatooyinka.

 

Abaarta haatan jirta ayaa saamaysay boqolaal kun oo qof gudaha Somaliland iyo Puntland. Hayadaha gargaarka ayaa sheegay in loo baahan yahay gargaar in Soomaaliya lala soo gaaro si loo baajiyo inay dhacdo macaluul la mid ah tii dhacday 2010-2012 oo boqolaal kun oo qof ay ku naf waayeen.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya