4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2016
Koox Somali ah oo Taabacsan ISIS oo sheegay in Weerarkii u horeeyay ay la beegsadeen AMSIOM


Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL) — Dagaal-yahano Somali ah oo xiriir la leh Kooxda Daacish ama ISIS ayaa sheegtay inay Weerarkoodii u horreeyay ka fuliyeen Muqdisho, ayna weerar bambaano la beegsadeen Ciidammo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ma aysan sheegin kooxdan daacadda u ah ururka Daacish xilliga ay weerarkoodan fuliyeen iyo khasaaraha uu sababay, balse waxay xuseen in weerarkan uu yahay midkii u Horreeyay oo ay ka geystaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, inkastoo aysan weerarkan weli ka hadlin ciidamada Midowga Afrika AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmaya xilli Dowladda federaalka Somalia ay sheegtay in ciidamada Nabad-sugida ay gacanta kusoo dhigeen sarkaal ay baadi-goobayeen oo ka tirsan kooxda Daacadda u ah Kooxda Daacish ama ISIS, kana goostay Al-shabaab.

Xoogagga taabacsan Ururka Islaamiga ah ee Daacish ayaa isku dayayay muddo hal sano ka badan inay saldhig ka sameystaan Somalia, laakiinse waxaa Hor-istaagtay isku-daygoodaas Al-shabaab oo u aragtay inay caqabad ku yihiin Midnimadooda.

Bishii Oktoobar ee Sannadkii lasoo dhaafay, ayaa unug ka goostay Al-shabaab, waxay uga dhawaaqeen Gobolka Bari ee Puntland in Beeco ay la galeen Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish, kuwaasoo noqday kooxdii ugu horreysay oo ISIS daacad u noqota.

Al-shabaab oo aan fududeysan hadalkaas, ayaa billowday inay xir-xirto saraakiil iyo xubno ka tirsan kooxdaan gooni-isku-taagga ah, iyadoo ay Saraakiisha Al-shabaab sheegeen inay gacan bir ah ku qabanayaan cid walba oo isku dayda inay kala qaybiso Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay sheegtay inay go’aan ku gaareen inaysan ku biirin ISIS, iyagoo si taxaddar leh ula socda dhaqdhaqaaqyada kooxdan ka goosatay ee Kooxda Daacish ku biiray, iyadoo dhawr jeer oo hore ay isku dhaceen Xoogagga Al-shabaab iyo kooxaha taageersan Daacish.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya