4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2016
Dowladda Somalia iyo Taliska AMISOM oo Kulan ka yeeshay Amniga iyo Hawl-gallada (SAWIRRO)

Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, Danjire Francisco Madeira ayaa Sabtidii kulan looga hadlay amniga guud ee Somalia la yeeshay ku xigeenka RW Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, iyagoo kaga hadlay kulankooda amniga iyo hawl-gallada ammaanka Somalia lagu xoojinayo.

Intii kulanku socday ayay labada mas'uul isku soo qaadeen sida ugu habboon ee ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay u xoojin lahaayeen sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay weli gacanta ku hayso.

Sidoo kale, Danjire Madeira ayaa xusay in hawlgalka AMISOM ay lasoo darseen caqabado dhawr ah oo u baahan in Dalalka Gobolku ay wax ka qabtaan si ay u gutaan waajibaadyada loo ig-maday. Wuxuuna xusay in Wada-shaqeynta ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ay sabab u yihiin guulaha la gaaray oo dhan.

“Is-dhexgalka iyo is-kaashiga ka dhexeeya ciidanka AMISOM iyo kuwa Qaranka Somalia, waa mida keliya ee horay loogu sii socon karo, laguna gaari karo guulo loogana guuleysan karo Al-shabaab. Laakiinse haddii la waayo guul-darrooyin ayaa nala soo gudboonaanaya,” ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya.

Ergayga Midowga Afrika, ayaa sheegay in shir noocan oo kale ah oo ay Amniga iyo Hawl-gallada Waddadnka ka socda uu horay ula yeeshay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayna si wanaagsan iskula fahmeen.

Kulankan, ayaa Waxaa iyagana Goob-joog ka ahaa ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika Lydia Wanyoto Mutende, Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay in looga hadlay is-kaashiga u dhexeeya AMISOM iyo Dowladda Somalia iyo Guulihii dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab laga gaaray, Kulammadii ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo sidoo kale Xarunta QM ee New York.

Danjire Francisco Madeira oo warbaahinta la hadlay markii kulanku soo dhammaaday ayaa sheegay in qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay ay ka mid yihiin Waxyaabihii laga qabtay hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab ee Soomaaliya ka socda iyo Qodobo kale oo muhiim u ah amniga dalka.

“Hawl-galka Jubbooyinka, Waa mid saldhig u ah sidii waddooyinka xiran looga saari lahaa Al-shabaab, si loo marsiiyo shixnadaha ganacsiga iyo kuwa gargaark a ah ee la gaarsiinayo Deegaannadaas. Dhanka kalena Qorshahaan wuxuu xoojinayaa hawl-gallada ka Dhanka ah Al-shabaab u guuleysan lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Francisco Madeira.

Ugu dambeyn, RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte oo isaguna hadalay ayaa ka Mahad-celiyay taageerada ay AMISOM siiso Dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in is-kaashiga ciidamada labada dhinac ay keeneen guulo waaweyn, halkaasna laga sii wadayo.

“Mararka qaar, Waa jiri karaan caqabado, laakiin waxaan rajeynayaa in ciidanka AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka gudbi doonaan dhammaan caqabadaha mararka qaarkood soo wajaha,” ayuu hadalkiisa ku daray RW Soomaaliya, Carte.

Gaba-gabadii, Waxaa iyaguna kulanka hadallo Mahad-celin iyo Dhiirri-gelin isugu jiray ka soo jeediyay Wasiirka Difaaca Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Abaanduulaha Ciidammada Xoogga Soomaaliya, jen. Cali Baashi Maxamed.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya