4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2016
DHAGEYSO: Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Maanta Rasmi ahaan loo Dhaariyay (Sawirro)

Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka Puntland oo ka kooban sagaal xubnood oo shalay cod aqlabiyad ah ku  Ansixiyeen Baarlamaanka Puntland, ayaa waxaa maanta dhiirri-geliyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Cumar Camey.

Madasha lagu dhaarinayay  Guddiga Doorashooyinka Puntland, ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Guddoomiyha Golaha Wakiillada Puntland, Axmed Cali Xaashi iyo xubin ka socodey Maxkamadda Sare.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland, Axmed Cali Xaashi oo  khudbad ka jeediyay Madasha daarinta ayaa ku booriyay Guddiga Doorashooyinka Puntland inay shaqadooda u gutaan Waajibaadkooda.

DHAGEYSO: Afhayeenka Wakiillada iyo Madaxweyne ku xigeenka PL;

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa Guddiga Doorashooyinka ku amaanay aqoonta ay u leeyihiin shaqadda loo xil-saaray ee sugaysa.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa  shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyan guddiga doorashooyinka Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan Online
[email protected]  
Garoowe. Soomaaliya