4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2016
Fannaan Afrikaan ah oo Geeriyooday isagoo Masrax ka heesaya Dad aad u badnana ay daawanayeen


Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL) — Fanaan caan ah oo u dhashay dalka Congo, Papa Wemba ayaa geeriyooday isagoo Bandhig-faneed ka dhigayay Caasimadda Waddanka Ivory Coast ee Abidjan, halkaasoo ay ku sugnaayeen kumannaan qof oo daawanayay.

Al-fanaan Wemba ayaa dhulka ku dhacay isagoo heesayay fannaaniin kalena ay ka bar-bar Ciyaarayeen, Waxaana taasi ay keentay inuu Geeriyoodo, iyadoo aan illaa Hadda la ogeyn sababta ka dambeysa geeridiisa.

Sidoo kale, Fannnaankan oo 66-jir ahaa, ayaa la sheegay inuu ahaa fannaankii qaabeeyay suugaanta dalka Congo, wuxuuna mararka qaarkood ku dhigi jiray waddamada Afrika iyo kuwa caalamka qaarkood bandhig-faneedyo.

Inkastoo aan illaa hadda la shaacin sababta geeridiisa ayaa haddana waxay dhakhaatiirtiisu sheegeen in caafimaadka Papa Wemba uu ahaa mid aad iyo aad u wanaagsan, lana baarayo sababta keentay geeridan deg-degga ah.

Fanaankan Reer Congo ee Papa Wemba ayaa sannadkii 2004-tii waxaa lagu xiray Farance, kaddib markii lagu eedeeyay inuu dadka si Sharci-darro ah uu ku geliyo dalkaas, xilligaas oo lagu xukumay saddex bilood oo xabsi ah.

Dhanka kale, Sannadkii 2012-kii, ayay maxkamad ku taalla Dalka Belgium-ka, waxay ku xukuntay Wemba ganaax lacageed oo gaaraya 24,690 Doollarka Mareykanka ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu dadka si sharci-darro ah ku geliyo dalkaas.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Dhaqanka Congo, Baudouin Banza Mukalay ayaa ku tilmaamay geerida Papa Wemba mid murugo u keentay Shacabka Congo iyo guud ahaan Shacabka ku nool Qaaradda Afrika oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya