4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2016
Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo sheegay inay Muqdisho ku Qabteen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab


Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL) — Hawl-gal laga sameeyay Degmada Kaxda ee Muqdisho, ayaa lagu soo qabtay mid ka mid ah 12 Nin oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, oo Dowladda Somaliya ay lacago duldhigtay madaxyadooda goor sii horeysay.

Xasan Maxamed Siyaad (Xasan Fanax) ayaa waxaa lagu soo qabtay Hawlgalka Ciidamadu ay ka sameeyeen Kaxda oo galbeedka Muqdisho ku taalla, xilli uu Kusugnaa Guri Kuyaala Dagmada Kaxda.

Ciidanka Nabad Suggida oo wata shan ka mid ah gaadiidka dagaalka, ayaa gudaha u galay Degmada Kaxda, waxayna isku gadaameen guri uu kaga sugnaa Sarkaalka gacanta lagu soo dhigay.

Ciidanka Nabad Suggida, ayaa waxay ninkaasi ula dhaqaaqeen xarumaha ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Faahfaahin badan lagama haayo haddii ninkaasi uu Nabad-suggida ku soo wargeliyay inuu halkaasi ku sugan yahay iyo haddii kalaba, balse warar la helay sheegaya in Sarkaalkaasi uu isa soo dhiibay.

Afahayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ay la wareegeen laamaha amaanka laguna soo qabtay howlag qorsheysay oo laga sameeyay dagmadda Kaxda ee gobolka Banaadir.

Xasan Maxamed Siyaad iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa la sheegay inay ka yimaadeen toddobaadkii hore gobolka Jubbada Dhexe, gaar ahaan Dagmada Jilib, isla-markaana ay baadigoob ugu jirtay Al Shabaab.

Xasan Fanax, ayaa sida la rumeysan yahay waxaa uu xubin ka ahaa Saraakiishii Xarakadda Al Shabaab, balse daba yaaqadii sanadkii hore ku biirtay Ururka Daacish (Dowladda Khilaafada Islaamka).

Dowladda Somaliya, ayaa bishii July laba kun oo dollar ($2,000) duldhigtay madaxa Xasan Fanax, lana siin doono cidii keenta xog lagu soo qaban karo ninkaasi.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya