4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2016
Culimada Sayniska oo Ka deyriyay Daawooyinka Malaariyada ama Duumada

 

Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL)-Cudurka duumada ayaa waxaa laga qaadaa qaniinka qaar kamid ah kaneecada gaar ahaan nooca anopheles oo ah kaneecada dheddiga ah.

 Cudurka ayaa weli ku bdan dalka Afrikaan ah sida Soomaaliya maadaama dadku aysan isaga daaweyn si habboon sida culimada saynisku ay soo sheegayaan maadaama dadku ay ayagu daawooyin isu qoraan ama kuwa loo qoro aysan dhammaysan daawooyinka loo qoro.

Sida lagu qoray bogga wararka ee wargeyska The Daily Nation ee Kenya maanta lagana soo xigtay ururka caafimaadka adduunka ee marka magaciisa la soo gaabsho loo yaqaano WHO, bukaanada isaga shakiya duumada waxay si toos ah daawooyinka uga soo gattaan farmashiyeyaasha ayagoon xataa laga baarin cudurka duumada iyo hadii ay qabaan inta uu dhan yahay cudurkaa duumada ee haya.

Dadkaas ayaa dabadeed aan la siin daawooyinka saxda ah sida ay culimada saynisku sheegayaan ama waxaa laisugu daraa daawooyin kala jaad ah.

 Daawooyinkaas ayaa dabadeed dhibaato u keena siina murjiya daaweynta duumada maadaama dullinka dhaliya duumada ee jirkooda kujira uu daawada awood uu isaga difaaco u yeesho.

 “Adkeysiga dullinka waxaa sabab u ah jiinka (genes) baarasaytka oo nooleeya dullinkaa ayadoo daawadu jirka kujidho xataa hadii ay aad ugu badan tahay jirka,” sidaa waxaa yiri Dr. Ogutu oo katirsan machad baaritaan kusameeya cudurada iyo dawooyinka oo Kenya kuyaala.

Markii baarasaytka duumadu uu awood u yeesho inuu iska difaaco daawooyinka jira ee duumada ayaa hadba waxaa qasab noqota in daawooyin kale loo helo ama loo soo saaro duumada.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hoos u dhacday tirada carruurta qaarada kunool ee qaada cudurka duumada arintaas oo loo sababeeyay isticmaalka mara-kaneecada ama shandarawooyinka.

Xafiiska Wararka ee HOL

Magaalada Nairobi, Kenya.