4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2016
Baarlamaanka Uganda oo Walaac Kamuujiyay Xaalada Ciidamada Uganda ee AMISOM


 

Dhismaha baarlamaanka Uganda


 

 

Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL)-Baarlamaanka Uganda ayaa ka walaacsan  niyad jabka  ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya kana mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-Shabaab kadib markii bilo dhowr ah wax mushaar ah aan toos loo siin.

 

 Sida laga soo xigtay Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee baarlamaanka Uganda, mushaartka ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya ayaan toos loo qaadan muddo dhan 4 bilood iyaga oo kujira dagaalo culus iyo weeraro is qarxin ah oo ay kala kulmaan Al-shabaab.

 

Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha baarlamaanka Uganda ayaa tilmaamay in xukuumada looga baahanyahay in ay dib u eegto shuruudaha joogitaanka ciidanka Uganda ee Soomaaliya islamarkaana ay garato dowrka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM.

 

 Dhawaan Ururka Midowga Yurub- EU waxaa uu sheegay inuu dhimay 20 boqolkiiba dhaqaalaha ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM uu kubixin jiray taasoo murjisay xaalada ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda iyo Burundi oo si gaar ah arintaas loola eegtay.

 

Xafiiska Wararka ee HOL

Magaalada Nairobi, Kenya.