4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2016
Shir Wada-tashi oo Dib loogu eegayo Dastuurka oo ka Furmay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Axad, Abriil 24, 2016 (HOL) — Shir looga Wada-ashanayo Dib u eegista Dastuurka dalka, ayaa maanta ka furmay Muqdisho, Shirkan oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa soo Qaban-qaabisay Wasaaradda dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay ka qayb-galayaan ururada bulshada rayidka ee gobollada Dalka, waxaana hal-ku-dhigga looga dhigay; Xog la Wadaagista iyo ka Qayb-galinta Ururada Bulshada Rayidka ee dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka Dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliiya, Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim ayaa sheegtay in shirku uu yahay mid looga tashanayo arrimo badan oo ku aaddan dib u eegista Dastuurka Dalka, iyadoo faahfaahisay Qodobbada laga hadlayo.

Xildhibaanad Maryan Cariif, ayaa xustay in Qodobada muhiimka ah ee Shirkan maalmaha uu socdo looga doodayo ay ka mid yihiin; Maqaamka ay yeelanayso Caasimadda dalka ee Muqdisho, waxa laga sameynayo jinsiyada iyo sida laga yeelayo Awoodaha Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyo Arrimo kale.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka, Maxamed Daahir Afrax ayaa isna sheegay inuu muhiimadda Shirkaan yahay sidii Qaybaha Bulshada lagu biirin lahaa Talooyinka Dib u eegista Dastuurka, si loo helo Dastuur ay u dhan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Dastuurka Somalia, Xuseen Sheekh Maxamed Xuseen ayaa isagana sheegay inay wasaaradiisu kordhinayso shirarka wada-tashiga iyo talooyinka shacabka ee ku aaddan dib u eegista dastuurka dalka.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa xusay in Wasaaraddiisa ay Horumarineyso - sidii ay Bulshada Soomaaliyeed & Xubnaha maamul-goboleedyada ula tashan lahayd, isagoo intaas ku daray in Guddiyadaan Dastuurka ay kabi doonaan Cutubyada laga soo shaqeeyay, Maadaama ay jiraan buu yiri qodobbo muhiim ah oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, taasoo u baahan in wada-tashi laga sameeyo.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Somalia ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo wada-tashi ah oo ku saabsan dib u eegista Dastuurka ku qabanaysa Magaalooyinka Somalia, iyadoo bisha soo socota ee May uu ka furmi doono Garoowe kulan looga hadlayo arrimaha Dastuurka, kaasoo ay ka Qayb-geli doonaan Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maamul-goboleedyada dalka ka jira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya