4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2016
TAAR-DHULEED: Ciidanka Liyuu Booliis Waxay dhibaato u geysteen Shicib aan waxba Galabsan


Axad, Abriil 24, 2016 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedeymo uga yimid Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, kaasoo ku saabsanaa Dagaallo shalay ka dhacay Deegaanka Dac-dheer ee Gobolka Gal-guduud, iyagoo dhanka kale ku eedeeyay DDS inay dhibaatooyin u geysteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Wasiirka Ammaanka Galmudug, Cismaan Ciise Nuur [Taar-dhuleed] oo la hadlayay BBC-da ayaa ku eedeeyay ciidanka Liyuu boolis-ka ee DDS Itoobiya inay dhibaato ka gaysteen deegaano ka tirsan kuwa uu maamulka Galmudug ka taliyo, isla markaana ay barakiciyeen shacabkii deegaannadaas ku noolaa.

"Ciidanka Liyuu Boolis-ka DDS Itoobiya dhibaato badan ayay shacabkii halkaa ku noolaa u geysteen, dadka sidaas sameeyay maanta waxay ku hadlayaan warar aan xaqiiqda ahayn oo aan ku habboonayn Soomaalinimada," ayuu yiri Taar-dhuleed.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay inaysan waxba ka jirin eedeymaha ay baahiyeen xubno ka tirsan Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya oo ahaa in Xoogag ka tirsan Gal-mudug iyo Al-shabaab oo wadajira ay Itoobiya u soo gudbeen, ayna dhiaato u geysteen dad shacab ah.

"Gal-mudug iyo Al-shabaab waxaa ka dhexeeya Dagaal, Caalamka iyo Itoobiyana way og-yihiin. Marka eedeynta mas'uuliyiinta DDS ee dalka Itoobiya kasoo yeertay ma ahan kuwo xaqiiqo ah," ayuu hadalkiisa ku daray Cismaan Taar-dhuleed.

Ugu dambeyn, Inkastoo xasillooni aan cago badan laga sheegayo deegaannadii shalay lagu dagaallamay oo ku dhow xadka Somalia aiyo Itoobiya ay wadaagaan, ayaa waxaa haddana dagaalkii shalay ku dhintay dad badan oo shacab ah, halka kuwo kalena ay ku barakaceen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya