4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2016
Casbi ay Ka Qabto Al-shabaab Darteed Uganda oo Dhuun Saliid Qaada Marin Doonta Tanzania Baddalkii Kenya

 

 

Axad, Abriil 24, 2016 (HOL)-Dawlada Uganda ayaa go'aansatay inay mariso dhuun saliida qaada Tanzania baddalkii Kenya cabsi ay ka qabto weeraro in Alshabaab ay dhuuntaasi u geystaan maadama ay daris la tahay Kenya Soomaaliya.

 

Dhuuntaasi shidaalka oo ku kaceysa balaayiin doolar ayaa dhwaan waxaa shir kusaabsan halka la marinaayo lagu soo gabagabeeyay Uganda ayadoo dawlada Uganda ay dabadeed go'aansatay in Tanzania ay mariso dhuuntaas baddalkii Kenya.

Dhuunta ayaa ka imaanaysa gobolka galbeedka Uganda ah ee Hoima ayadoo shidaalka ay Uganda dhoofinayso geyn doonta dekada Tanga ee Tanzania.

 

Tanzania ayaa waxay dhuuntaas halka la marinaayo kula tartamaysay Kenya ayadoo la doonayo in loo isticmaalo dhoofinta shidaalka dhawaan laga helay Uganda.

 

Kenya ayaa doonaysay inay mariso dhuuntaa halka loo yaqaano Lokichar oo u dhow magaalo xeebeedkeeda Lamu halkaas oo dhib ay in dhawaaleba ku hayeen burcad, dad lo'da dhaca iyo Al-shabaab maadaama halkaasi ay aad ugu dhowdahay Soomaaliya oo Alshabaab ay weeraro kasoo qaadayeen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Nairobi, Kenya.