4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2016
Guddiga A. Gudaha Baarlamaanka FS oo sheegay inaysan garanayn si ay ula macaamilaan Amisom


Gaariga qafilan eeAMISOM oo ku wajahan waddo qaldan ayaa qof ku jiiray is-guyska Nabar Afar (KM4) Abriil 23, 2016- Sawirka HOL


Axad, Abriil 24, 2016 (HOL) — Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan garaneyn qaab ay ula xisaatamaan ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Somalia oo ay sheegeen inay tacadiyo u geysta shacab Soomaaliyeed.

Ciidamada ku hawl-galayo magaca nabad ilaalinta ee AMISOM waxay Somalia joogaan muddo 10-sano ku dhaw howlgalka ay u joogaan ee nabad illaalinta ahna waxaa bar-bar socda jowr-fallo ay shacabka Soomaaliyeed u geystaan.

Tan iyo inta ay ciidamadda Uganda ee ku jooga macaga howlagalka Amisom ay ku sugan yihiin  dalka soomaaliya waxa ay geesteen tacadiyo aanan wanaagsaneyn kuwaasi oo ay ugu badan yihiin in is u eegis la’aan ah ay ugu jiireen gawaaridooda gaashaaman dad rayid ah . dhowr dhacdo gudaheeda ayay sidaasi ku sameeyeen.

Ma jirto maxkamad la soo taagay iyo cid ku qaaday danbeyada ay galaan in kastoo ay sheegaan in ay magdhaw bixiyaan haddana ma ahan wax muuqda , Gudiga arrimaha gudaha ee baarlamaanka soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidan loo keenay nabad illaalin ay haddana dhibaato muuqato u geystaan shacab aanan waxba galabsan .

Guddoomiye ku xigeenka gudiga arrimaha Gudaha ee baarlamaanka dowladda dhexe ee dalka Xidhibaan Daahir Amiin Jeesow ,ayaa sheegay in ay la yihiin cid ay kala xisaabtamaan tacadiyadda ay geesanayaan ciidanka Amisom oo ay ugu horeeyaan dadka gawaarida ay jiirsiiyaan iyo xasuuqa ay mararka qaar geystaan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow gudoomiye ku xigeenka gudiga arrimaha gudaha ee baarlamaanka soomaaliya ayaa yiri “dowladdu waa in ay keentaa qorshe cad oo ciidanka Amisom lagula xisaabtamo dhibaatooyin aanan la mahdin ay shacabka soomaaliyeed u geysanayaan waxa uu hadalka raaciyay in Qaramadda Midowe ay iska indho tireyso tacadiga ay Amisom Sameeyaan .

Ugu dambeyn, Waa hubanti haddii dalkaagu uu yahay dal aanan laheyn awood buuxda uuga maarmo ciidan laga leeyahay wadan kale in uu nugul u noqdo saameynada aanan wanaagsaneyn ay ciidankaasi la imaan karaan.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya