4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2016
RW Somalia oo sheegay in loo baahan yahay in la dhiso ciidammo Gacanta ku dhiga Amniga guud ee dalka


Axad, Abriil 24, 2016 (HOL) — Ra'iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safarro uu ku tagay Turkiga iyo Ruushka, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso ciidammo Qaran oo hanta Amniga guud ee Soomaaliya.

RW Sharma’arke ayaa xusay in Ruushka uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay la leeyihiin Somalia, isla markaana uu qayb uga qaadan lahaa dib u dhiska guud ee ciidamada Qaranka Somalia, si aan awood ugu yeelanno inaan ka adkaanno kooxo ay ka mid tahay Al-shabaab.

“Dalka Turkiga waxaan kaga Qayb-galay kulan looga hadlay arrimaha dalalka Islaamka oo lagu soo qaaday iskaashiga Amniga, dhaqaalaha iyo kuwo kale, way jiraan qodobba la isku fahmi waayay, laakiise qodobo ayaa lasoo saaray, kuwaasoo ay ka mid yihiin in wax walba oo amni-darro keenaya la iska kaashado,” ayuu yiri Sharma’arke oo wariyeyaasha kula hadlayay Muqdisho.

Sidoo kale, RW Somalia ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay Waddanka Ruushka, isagoo sheegay inuu wasiirka arrimaha dibadda, Sergei Lavrov uuna ka hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen arrimaha amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaan kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amniga, si gaar ah waxaan ugala hadlay in ciidamada Qaranka Somalia la dhiso, maadaama ay AMISOM muddo kooban joogayso, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la helo ciidammo awood leh oo hanta amniga dalka oo dhan,” ayuu yiri RW Sharma’arke.

Dhanka kale, RW Cumar ayaa xusay in saraakiisha ciidamada Somalia iyo Dalka Ruushka ay dhawaan wada kulmi doonaan lana dhisi doono Ciidan Qaran oo leh awood ay Amniga dalka ku sugaan.

Ugu dambeyn, Sharma’arke ayaa ka tacsiyeeyay Geerida dhallinyaradii Soomaalida ahaa ee toddobaadkii ku geeriyooday badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Masar xilli ay ku jireen safar Tahriib ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya