4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2016
Xulka Somalia ee ka yar 20-ka Sano oo ka Haray Tartanka Bariga & Bartamaha Afrika (SAWIRO)

Sabti, Abriil 23, 2016 (HOL) — Cayaar shalay ku dhexmaray xulalka da’da yar ee Somalia iyo Itoobiya Garoonka Kubadda Cagta ee Xasan Guuleed Abti-doon ee caasimadda Jabuuti ee Jabuuti, Cayaartaan oo aheyd mid adag, ayaa looga badiyay Xulkii Metelayay Somalia.

Qaybta hore ee cayaarta, ayaa ahayd mid isku-dheelli-tiran, waxayna labada xul muujiyeen taxadar badan, waxaana xamaasad laga dheehan karay taageerayaashii Xulalka Somalia iyo Itoobiya, iyadoo Taageerayaasha xulka Soomaaliya ay ku dhiirri-gelinayeen xulka Somalia inuu guul gaaro, balse Qaybtii hore ee cayaarta ayaa kusoo gaba-gabowday goolal la’aan.

Markii la isugu soo laabtay Qaybtii labaad ee cayaarta ayaa Somalia laga dhaliayay goolkii koowaad, kaddib markii mid ka mid ah cayaartoyda Somalia uu kubada ku taabtay gudaha diilinta 18-aad, iyadoo xulka Itoobiya oo ka faa’iideystay ay ku dhaliyeen Goolkoodii ugu horreeyay.

Xulka Somalia oo u baahnaa gool keliya, ayaa waxaa mar kale loo raaciyay goolkii labaad, kaasoo si fudud loo daba-mariyay difaaca xulka Somalia, iyadoo xulka Itoobiya qaybtii 2-aad ee cayaarta ay lasoo baxday dadaal.

Ugu dambeyn, Xulka Soomaaliya ayaa ka haraay Cayaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyadoo kulankii hore oo dhacay dalka Itoobiya ay kusoo dhamaatay cayaarta Gool iyo laba Gool oo ay xulka Somalia uu kaga badiyay dhiggiisa dalka Itoobiya.

C/qaadir Muuse Mohamud
[email protected]
Magaalada Jabduuti, DJibouti