4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2016
FAALLO: Go'aanka Baarlamaanka Ma Daaweyn Karaa Khilaafka ka Taagan Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe


Sabti, Abriil 23, 2016 (HOL) — Tan iyo wixii ka dambeeyay 12-kii Jannaayo ee Sanadkan oo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud si rasmi ah Magaalada Jowhar uga Daah-furay Shirka dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Waxaa hadba soo ifbaxayay khilaaf ku hareereysan shirka iyo sii socoshadiisa.

Khilaafka ugu weyn ayaa ka dhax-abuurmay mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo marar badan Kulammo is-xig-xigay oo ay ku yeesheen magaalada Beledweyne  si xal loogu heli is-mari-waaga siyaasadeed isku afgaran waayay.

Dooda ugu weyn ayaa ka dhalatay habka awood-qeybsiga iyo sida ay wasaarrada arrimaha gudaha u Maamushay shirka iyo tirada odayaasha dhaqanka beellaha soo xulaya ergada oo loo arkay sidda loo qeybiyay mid aan cadaalad ku saleysneyn.

Madaxweynaha Somalia oo tiro ka badan Saddex jeer Safar ku yimid Beledweyne si loogu helo xal khilaafka taagan, ayaa ku guul-dareystay ku qancinta duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ka qeyb-galka shirka Jowhar, waloow markii danbe Ugaasyada qaarkood aqbaleen soo jeedinta madaxweynaha kuna biireen shirka Jowhar.

Balse waxaa weli shirka ka maqan ugaasyo marka dhinac laga eego muhiim u ah dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kuwaasoo wali ku adkeysanaya mowqif-koodii hore ee ahaa in aysan qeyb ka noqon doonin dhismaha maamulka labada gobol, illaa ay ka fulinayso Dowladdu qodobo ay ka mid yihiin: 1. In ka hor dhismaha maamulka gobolladan la qabto Shirweyne dib-u-hishiisiin. 2. In shirka degmada Jowhar loo wareejiyo magaalada Beledweyne. 3. In dib u eegis lagu sameeyo maqaamka gobolka Hiiraan oo ay dalbanayaan in labo gobol loo qeybiyo.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo jeedinta Ugaasyada u aragtay mid aan Waqtigan Munaasabad ku aheyn, sida uu ka dhawaajiyay Ra'iisal Wasaare Sharma'arke oo safar la xiriiray xal u helida khilaafkan ku yimid magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in waqtiga oo aad u yar awgii loo baahan yahay in la dadajiyo dhismaha maamulka.

Ismaan-dhaafka u dhexeeya, Dowladda Somalia iyo Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa sababay in shir dib-u-hishiisiin ah 03 -dii, bishan laga furo magaalada Beledweyne, kaasoo ay ka qeyb-galayaan xubno kala matalaya beellaha ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Saraakiisha UN-ka oo kulamo kala duwan la qaatay Duubabka-dhaqanka ee ka soo horjeeda shirka Jowhar, ayaan wali ku guuleysan isku deygoodii ahaa inay xal u helaan khilaafka dowladda iyo Ugaasyada gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in kulankii ugu dambeeyay ee labada dhinac dhax-maray Saraakiisha QM soo jeediyeen Tallo ah in Shirka labo waji loo qeybiyo laguna kala qabto magaalooyinka Jowhar iyo Buula-burte.

Haddaba, go'aanka guddoonka baarlamaanka FS kasoo baxay maanta ayaa la iska weydiin karaa dawo ma u noqonayaa khilaafka jira oo marka aad dhinac ka eegto ka fog sidda laga yaabo in dad badani u arkaan.

Tusaale ahaan, Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa dhankooda u arka xalka kaliya ee maamulkaas ku dhismi karo inay tahay in marka hore dowladda aqbasho sharuudaha ay soo jeediyeen oo mid ka mid ah uu dhigayo in Shirkaas loosoo wareejiyo Beledweyne.

Halka dhanka Dowladda federaalka Somalia ay ku adkeysaneyso in shirka ka soo soconayo Degmada Jowhar, balse wixii farsamo ah ee la xiriira socodsiinta shirka looga dambeynayo duubabka dhaqanka.

Ugu dambeyntii, qaar ka mid ah dadka sidda weyn ula socda arrimaha maamul u sameynta dalka, ayaa qaba in ka hor inta aan la furin wajiga labaad ee Shirka Jowhar loo baahnaa in la soo Af-meero wixii Khilaafaad ah ee taagan sii Duubabka oo wadajira Wajiga labaad ee Shirka uga wada-qeyb galaan, iyaga oo ku micneynaya sii socoshada shirka Jowhar mid sii fogeyn karra is-mari-waagaa siyaasadeed ee taagan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beleweyne, Soomaaliya