4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2016
SAWIRRO: Ururrada Bulshada Rayidka oo Deeq Gaarsiiyay Haweenka Xiran & kuwa Xanuunsan

Sabti, Abriil 23, 2016 (HOL) — Ururada Bulshada Rayidka Somalia, ayaa maanta Gargaar isugu jiray dhar iyo lacag gaarsiiyay Haween qaba cudurada Dhimirka oo ku jira xarumaha lagu xanaaneeyo dadka madaxa ka xanuunsan ee Muqdisho iyo haweenka ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Haween ka socday Ururrada Bulshada Rayidka oo Gargaarka maanta gaarsiiyay Haweenka Madaxa ka jiran iyo kuwa xiran, ayaa sheegay in ay ka Damqadeen dhibaatooyinka Haysta Haweenka xiran iyo kuwa madaxa ka jirran, iyagoo xusay in gargaarkan lacageed ugu talo-galeen haweenka, wiilashana ay sida noo kale u soo gaarsiin doonaan.

Madaxa Hay’adda SSWC Maama Aamina Xaaji Cilmi, ayaa hadalo ay ka jeedisay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo Xarumaha lagu xannaaneeyo dadka dhimirka ka jiran ku sheegtay, inay Gar-gaarkaan ay ku  tabarucday Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, si ay ugu caawiyaan Haweenka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

“Waxaan doonayaa shacabka Soomaaliyeed, inay gargaar noocan oo kale ah la soo gaaraan Haweenka & Ragga xabsiga dhexe ku xiran, sidoo kalena ay caawiyaan Dumarka dhimirka ka jiran, waayo dhaqaale walba oo aad ku bixiso waa sadaqo,” ayay tiri Maama Aamina oo Warbaahinta la hadlaysay.

DHAGEYSO: Codadka Haweenkii Bulshada Rayidka & Saraakiisha Xabsiga Dhexe;

Sidoo kale, Waxaa hadashay Caasho Shaacuur Ugaas oo ka mid ahayd haweenkii bulshada rayidka ee maanta gargaarka gaarsiiyay Haweenkan, iyadoo Taliyeyaasha xabsiga dhexe ee Muqdisho uga mahad-celisay sida ay u xannaaneeyeen Haweenka maxaabiista ah ee ku jira xabsiga iyo Waxbarashada ay ku siiyeen Xabsiga dhexdiisa.

“Gabdhaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool ee shacabkooda u soo gurman jiray sida aan uga baranay inay soo caawiyaan Haweenka Soomaaliyeed ee xabsiga ku jira iyo kuwa kale ee dhibaateysan,” ayay tiri Caasho Shaacuur.

Dhanka kale, Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. C/kariin Cali Afrax ahna ku-simaha taliyaha, ayaa dhankiisa u mahad-celiyay ururada bulshada rayidka ah sida ay ugu  damqadeen walaalahooda xabsiga dhexe ee Xamar ku jira.

C/raxmaan Cali  Cawaale [Xabeeb] oo ah madaxa Afar xaruumood oo lagu xannaaneeyo in ka badan 200-qof oo Dhimirka ka jirran, ayaa ugu baaqay Dowladda Somalia iyo Shacabka Soomaaliyeed inay u soo gurmad lasoo gaaraan Dumarka iyo Ragga madaxa ka jirran ee ay ku hayaan xarumaha uu maamulo.

Ugu dambeyn, Waxaa iyana Goobahaas ka hadlay xubno ka tirsan Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed, iyagoo bogaadiyay xannaanada ay helaan haweenka xiran iyo kuwa kale ee madaxa-ka-jiran, uguna baaqay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Somalia inay dhankooda caawiyaan dumarka iyo ragga xiran iyo kuwa kale ee Dhimirka ka jirran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya