4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2016
SAWIRRO: 74 ARDAY oo Jaamacadda SIMAD ka qaatay Maanta Shahaadada labaad ee Master-ka

Sabti, Abriil 23, 2016 (HOL) — Jaamacadda SIMAD ayaa waxaa maanta ka Qalin-jabisay 74 Arday oo ah Dufcaddii labaad, kuwaasoo qaatay Shahaadada heerka labaad Master-ka, iyadoo Xalfadda Qalin-jabintooda oo loogu qabtay xarunta daraasaadka sare ee SIMAD ay Muqdisho ku leedahay.

Xafladda ay shahaada ku qaadanayeen ardaydan ayaa waxaa ka qayb-galay maamulka sare ee Jaamacadda SIMAD, Ardaydii horay uga qalin-jabiyay, ardayda dhigata iyo Xubno lagu kale casuumay.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Daahir Xasan Carab ayaa Hambalyo u diray Ardayda maanta Qalin-jabinaysay, isagoo ku dhiirri-geliyay inaysan waxbarashadooda meeshaan ku ekeyn ee ay dadaalkooda sii kordhiyaan, isagoo ku boorriyay inay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada ka wacyi-geliyaan Tahriibka .

Sidoo kale, Daahir Carab wuxuu sheegay in dhallinyarada loo baahan yahay inay dalkooda Horumar gaarsiiyaan, halkii Dal ay dad leeyihiin aadi lahaayeen, isagoo xusay si la mid ah dalalka kale ee ay u tahriibayaan laga dhigi karo Waddankeenna.

Dhanka kale, Mid ka mid ah Ardaydii maanta Qalin-jabinayay oo lagu magacaabo, Aadan Ciise ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in isagoo dalkiisa jooga uu qaato shahaadadiisa labaad ee waxbarashada Jamaacadeed, ayna fursad weyn u tahay in isagoo aan dalkiisa ka tegin ku guuleystay waxbarashadiisii.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, ayaa mid mid u Guddoonsiiyay 74-kii arday ee maanta Qalin-jabiyay kuwaasoo qaatay shahaadada heerka 2-aad ee waxbarashada Jaamacadeed ee Master Degree.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya