4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2016
DHAGEYSO: Kalfadhi aan Caadi ahayn oo dhawr casho soconaya oo u furmay Wakiilada Puntland


Sabti, Abriil 23, 2016 (HOL) — Kal-fadhi aan caadi ahayn ayuu Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey maanta u furay Baarlamaanka Puntland, kaasoo ujeedkiisu tahay Ansixinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Puntland oo ka kooban sagaal xubnood.

Waxaa shir-guddoominayay kulankan guddoomiyaha baarlmaanka Puntland, iyadoo ay soo xaadireen 51 xildhibaan, xubno ka tirsan xukuumada Puntland iyo xubnaha guddiga KMG ah ee doorashada oo  billowgii Sannadkan ay si wadajir ah u magacaabeen Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, kal-fadhiga oo qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo xubnaha gudiga doorashooyinka Puntland oo aan Suuro-gelin maanta, waxaa kaloo su’aalo la xiriira habka doorasho ee 4.5-ka, ka-hortagida tahriibka iyo furista maxkamada dastuuriga ah la weydiiyay madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Camey.

DHAGEYSO: Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland;

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa isna xusay in kal-fadhigan maanta ee aan caadiga ahayn ay Xildhibaannadu  isugu yimaadeen xasaanad-siinta guddiga doorashooyinka Puntland oo lagu wado inay dhawaan bilaabi doonaan furitaanka nidaamka axsaabta siyaasadeed.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, intii uuu kalfadhigani socday faahfaahinno ka bixiyay abaaraha ka jira deegaannada Puntland oo u sheegay inay la gaartay xukuumaddu Gurmad qaybo ka mid ah dadka abaarahani sameeyeen.

Ugu dambeyntii, Kal-fadhigan aan caadiga ahayn ayaa socon doona Toban casho, waxaana Berri laga Dhageysan doonaa Taariikhda Aqooneed ee Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland , iyadoo markaas kaddib la meel-marin doono.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya