4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2016
SAWIRO: Tartan Qur'aan akhris ah oo Muqdisho lagu Gunaanaday iyo Abaal-marinno laga bixiyay

Sabti, Abriil 23, 2016 (HOL) — Tartan Xifdinta Qur'aanka Kariimka ah oo ay soo Qaban-qaabisay Jimciyadda Al-Ishraaq, isla markaana ay ka qayb-galayaan Arday Soomaaliyeed oo ka kala socday 18-ka gobol ee Soomaaliya, kuna tartamay114-ka suurad ee Qur’aanka Kariimka ayaa xalay lagu soo Gunaanaday Muqdisho kaasoo socday muddo shan casho ah.

Munaasabada xiritaanka tartankan oo loogu magacadaray abaalmarinta Somalia ee Qur’aanka kariimka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka arrimaha diinta Soomaaliya, Xildhibaanno, Culumaa’uddiin, Aqoon-yahano, waaliddiin iyo marti sharaf kale.

Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo ah Guddoomiyaha Guddiga garsoorka tartankan oo munaasabadda ka hadaly ayaa sheegay in dadaal badan ay muujiyeen ardaydaasi ka kala socday guud ahaan gobolada dalka ee 18-ka gobolka ee Somalia, wuxuuna sheegay inaysan jirin arday dhacay laakiinse lagu kala horeeyay oo kaliya kaalmaha hore tartamayaasha dhamaantoodana ay yihiin kuwa guuleystay wuxuuna carabka ku dhuftay in  kaalinta 1-aad uu galay arday ka socday gobolka Bari halka kaalinta labaad uu galay arday isna ka socday gobolka Jubada Hoose.

Guddoomiyaha Jimciyadda Al-Ishraaq, Maxamed C/qani Siidow oo isagana ka jeediyayay goobta hadal ayaa xusay inay wax lagu farxo tahay inay ku tartamaan Qur’aanka kariimka,  ardayd da’yar  ee ku kala nool guud ahaan dalka taasi oo muhiimad gaar ah u ah carruurta Soomaaliyeed, waxaana barnaamijkaani Abaal-marinta Somalia ee Qur’aanka kariimka uu ku tilmaamay mid guuleystay isla markaana guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya ay ku qaban doonaan, wuxuuna xusay ardayda kaalmaha hore ka galay tartankani in ay ka Qeyb-gali doonaan tartamo caalami ah oo Qur’aan akhris ah iyagoo matalaya Soomaaliya kuwaa ka kala dunida Islaamka.

Xildhibaannadii goob-joogga ahaa ayaa muujiyay sida lagama maarmaanka ay u tahay sara qaadida Qur’aanka kariimka, waxayna ku amaaneen jamciyadda Al Ishraaq ee Hir-gelisay barnaamijka abaal-marinta Somalia ee Qur’aanka Kariimka sida ay u fulisay barnaamijkani oo muhiimad gaar u ah bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka Diinta iyo Ow-qaafta Xukuumadda Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo Xafladda soo xiray ayaa ka sheekeeyay Ahmiyadda ay uu leedahay Tartankan umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ardayda Soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay ku dadaalaan xifdinta qur’aanka karfiimka iyo barashada diinta islaamaka waxaana ka wasaarad ahaan uu tibaaxay inay mar walbo garab-is-taagayaan Tallaaba kasta oo lagu Horumarinayo - isla maamka, waxaanauu  kaga mahad-celiyay jamciyada Al isharaaq sida Quruxda badan ay u soo Agaasintay Tartankaan, isla matkaana Muqdisho ugu qabatay, Waxaana sidoo kale uu Sheegay in Tartankaan uu wax weyn kusoo kordhinayo Carruurta Soomaaliyeed ee baratay Xifdinta Qur’aanka Kariimka ah.

Ugu dambeyn, Waxaa Xafladda Shahaadooyin iyo Abaal-marino kala duwan oo qaali ah la Guddoonsiiyay 18 Arday ee u tartamayay guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya