4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2016
Madaxweyne Kenyatta oo hal Bilyan shilling (10 Milyan oo Dollar) ugu deeqay Beeraleyda qaadka!

 Madaxweyne  Uhuru oo la hadlaya hoggaamiyeyaasha Gobolka Qaadka uu ka baxo ee Meru


Sebti, Abriil 23, 2016 (HOL)-Madaxweynah Kenya Uhuru Kenyatta ayaa labo maalmood ka hor shaaca ka qaaday inuu 1 bilyan oo shilinka Kenya ah u qoondeeyay inuu ku taageero beeraleyda qaadka kadib markii dalal badan oo midowga Yurub ka tirsan ay mamnuuceen in loo soo dhoofiyo sidaa ay qortay jariiradda STANDARD. 

Madaxweyne Uhuru ayaa sidoo kale saxiixay sharci cusub oo loogu aqoonsanayo QAADKA inuu yahay dalag lacag adag lagu helo (cash crop), taasoo ah tillaabo uu rajeynaayo inuu taageero ku heli doono inta aan la gaarin doorashada soo socota ee xilka madaxweynenimada.

Uhuru Kenyatta ayaa ku casuumay madaxda Meru ee ah dagmada khaadku kasoo go'o inay yimaadaan madaxtooyada si ay uga marag kacaan saxiixitaanka sharcigaa cusub; markii uu qalinka ku duugayay.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD, Raila Odinga ayaa isna arintaa inuu wax ka qabto darteed wuxuu dhawaan taageero uga shukaansaday hoggaamiyeyaasha Meru iyo dadweynaha degmadaa asagoo halkaasi dhawaan booqosho ku tagay.

Raila ayaa sheegay in loo baahan yahay ama waajib ay tahay in wada hadal lala galo dalalka Yurub ee mamnuucay khaadka.

Saxiixida ayaa ah mid taariikhi ah ayadoo fursad usiin doontaa beraleyda khaadku inay khaadka si aan hakad lahayn ugu iibiyaan dalka.

Kenyatta ayaa sheegay in qarashkaas kabitaanka ah loo soo marsiin doono beeraleyda khaadka Wasaarada Beeraha. Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay dhibaatooyinka lasoo darsay beeraleyda khaadka mamnuucitaanka dalalka Yurub laga mamnuucay in la geeyo khaadka dartii wuxuuna u xaqiijiyay in dawladiisu wixii karaan keeda ah aysan hagran doonin si beeraleyda khaadku u helaan faaiidooyinka ugu badan ee macquulka ah.

Madax kale oo shirkaa goob joog ka ahaa ayaa waxaa kujiray madaxweyne kuxigeenka Kenya, Willium Ruto, iyo hoggaamiyeyaasha aqlibiyada  aqalada baarlamaanka iyo senetka Kenya, Aaden Ducaale iyo Kithure Kindiki.

XafiiskaWararka ee HOL
Magaalada Nairobi Kenya.