4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2016
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta ka doodaya Mooshinka ka dhanka ah Shirka Jowhar


Sabti, Abriil 23, 2016 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa mar kale lagu wadaa maanta inay ka dood ka yeeshaan Mooshinkii ku Aadanaa in la hakad la geliyo shirka Jowhar ee Maamulka loogu Sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Shirkii ugu dambeeyay ee xildhibaannada Baarlamaanku yeeshaan ayaa buuq ku dhamaaday, kaddib markii xildhibaannadu ku qaybsameen in mooshinka lagu soo daro ajandaha uu baarlamaanku ka hadlayo iyo in kale, iyadoo ugu dambeyntiina lasoo xiray kulankii baarlamaanka.

Guddoonka Baarlamaanka Somalia, ayaa isku dayaya inuu Mooshinkan wada-hadal ku dhameey, isagoo kulammo kala duwan la qaatay xildhibaannada ku kala aragti duwan mooshinkan oo qaarkood ay diiddan yihiin iyo xubnihii keenay.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in guddoonka baarlamaanka ay xalay kulan la qaateen guddiyo ay iska soo saareen Xildhibaanada mooshinka keenay iyo kuwa ka soo horjeeda, iyadoo la isku af-gartay in la qaboojiyo xiisadda mooshinka.

Ugu dambeyn, Qorshaha shirka maanta ayaa waxaa qayb ka ah mooshinka, iyadoo la filayo in go’aan laga gaaro, inkastoo aan la ogeyn in la isku raaci doono in hakad la geliyo shirka Jowhar iyo in kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya