4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2016
Biyaha Webi Shabeele oo Soo Batay

 

Sebti, Abriil 23, 2016 (HOL)-War wanaagsan ayaa hayadaha samafalku kasoo tebiyeen Shebeelooyinka ayagoo sheegay in biyaha webiga Shabeele ee Soomaaliya ay aad u soo bateen kadib markii roobab mahiigaan ah ay ka hooreen buuraleyda Itoobiya oo ah kalka uu ka yimaado webigaasi Shabeele gaar ahaan saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale ayaa waxaa hayadaha samafalku kusoo waramayaan in saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay roobab heer dhexe iyo mahiigaan isugu jiray ay ka da'een inta badan Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, warka naxdinta leh ayaa ah in xaaladihii abaarta ee Puntland ay kasii dareen kadib markii roobabkii la filaayay ay soo daaheen walow meelaha qaar waxoogaa roobab aan badnayn ay ka da'een.

Sida qoraal hayada SWALIM ay soo saartay dhowr maalmood ka hor lagu xusay, koofurta iyo bartamaha Soomaaliya meelo dhowr ah ayumbaa lagu soo waramay in ay roobab ka da'een. Gobolka Gedo ayaa ugu roob badnaa labadii asbuuc ee tagay.

Sida laga soo xigtay SWALIM xafiiskeeda Nairobi roob gaaraya 196mm ayaa ka da'ay degmada Luuq halka roob gaaraya 65mm uu ka hooray degmada Doolow.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.