4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM oo Amaanay Horumarrada ay Soomaaliya ku Tallaabsatay


Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) —Golaha Ammaanka ee QM, ayaa Warbixin ay soo saareen maanta ku amaanay horumarka ay ku taallaabsatay Dowladda Federaalka Somalia, kuwaas oo ay sheegeen in la sameeyay afartii sano ee lasoo dhaafay, gaar ahaan Arrimaha la xiriira Siyaasadda dalka.

Warbixinta Golaha Ammaanka ayaa waxay imaanaysaa kaddib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu 19-kii Abriil 2016-ka, ka dhageysteen Warbixin uu kaga hadlayay Xaaladaha ka jirta Somalia, iyadoo xubnaha Golaha Ammaanka ay soo dhaweeyeen habka doorashada ee ay ku heshiiyeen Hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in Doorashada Sannadkan ka dhacaysa Somalia ay gogol-xaar u tahay Doorashada la filayo inay dalka dhacdo sannadka 2020-ka, taasoo ay xuseen Goluhu in la filayo inay noqoto mid Qof iyo Cod ah.

Sidoo kale, Warbixinta Golaha Ammaanka ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu baaqday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u meel-mariyo go’aannadii kasoo baxay Madashii Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka 2016-ka oo dhawaan lagu qabtay Muqdisho.

Golaha Ammaanka ayaa Warbixintooda ku sheegay inay rajeynayaan inaysan dhici doonin wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo Dowladda Somalia ee hadda dalka ka talisa, iyagoo dhanka kalena walaac ka muujiyay xaaladda amni ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa warbixinta ay soo saareen maanta ku cambaareeyay Weerarrada Al-shabaab ay ka geysato, iyagoo ammaanay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia oo ay sheegeen in ay yareeyeen Halista ka imaanaysa Al-shabaab.

Ugu dambeyn, 15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka QM, ayaa soo jeediyay in dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab lasii wado, iyadoo Ciidanka dowladda iyo AMISOM ku boorisay inay ilaaliyaan Xeerka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha inta ay dagaallada kula jiraan xoogagga Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya