4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Hoggaamiyaha Falaagada South Sudan oo lagu Amray in uu Sabtida BERRI ah ku Laabto JUBA


Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) — Ururo iyo dalal Caalami ah ayaa u qabtay Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Koonfurta Sudan, Riek Machar in uu dib ugu laabto Magaalada Juba ee xarunta Waddankaas illaa Berri oo Sabtida ah, sida ay sheegeen guddiga Dhexdhexaadinta Xukuumadda iyo Mucaaradka Koonfurta Suudaan.

Guddoomiyaha Guddiga Dhex-dhexaadinaya dhinacyada South Sudan, Festus Mogae ayaa Saxaafadda u sheegay Khamiistii shalay in haddii lagu guul-darreysto hir-gelinta heshiiskii ay Mucaaradka iyo Xukuumadda Koonfurta Suudaan horay u kala saxiixdeen ay Suuro-gal tahay inuu Waddankaas dib ugu laabto colaadihii Sokeeye.

“Haddaan Awoodi wayno inaan ku Guuleysano meel-marinta heshiiskii horay loo saxiiday, waxaa imaanaysa inuu heshiiskaas oo dhan burburo,” ayuu Mogae wariyeyaal ugu sheegay Magaalada Juba.

Tan iyo markii ay Colaadaha Sokeeye ka billowdeen Dalka Koonfurta Suudaan December, ee Sannadkii 2013-kii, waxaa ku dhintay Tobannaan kun oo ruux, iyadoo ku dhawaad laba milyan oo qof ayay colaaduhu ku qasbeen inay dalkooda ka cararaan.

Go’aanka loo qabtay Hoggaamiyaha Mucaaradka South Sudan, Riek Machar ee ahaa inuu kama dambeys uu ku laabto magaalada Juba, 23-ka Abriil oo Berri ku beegan ayaa Waxaa gaaray xubno xubnaha dhexdhexaadinta ee JMEC oo ay xubno ka yihiin; Midowga Afrika, Midowga Yurub, China, Britain, Norway, Mareykanka iyo weliba dubalaasiyiin kale.

Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Mucaaradka Koonfurta Suudaan, ayaa sheegay in Machar uu dib ugu noqdo Magaalada Juba, uuna qayb ka qaadan doono fulinta Heshiiskii Dhinacyadu kala saxiixdeen, Sidoo kalena uu u dhaaranayo Xilka Madaxweyne ku xigeenka, laakiin ma sheegin xilliga uu ku laabanayo magaalada caasimaddda ah ee Juba.

Riek Machar, ayaa dhawr jeer baajiyay Toddobaadkan dib ugu laabashadiisa xarunta Dalka Koonfurta Suudaan ee Juba, isagoo xukuumadda ku eedeeyay inay u diiday Juba ciidammo gaar ah oo isaga ilaalin lahaa, inkastoo Xukuumadda Juba ay iska fogeysay eedeyntaas.

Guddiga dhexdhexaadinta dhinacyada South Sudan ayaa ku goodiyay in haddii dhinacyadu ay ku ku guul-darreystaan fulinta Heshiiskii ay horay u gaareen ay Warbixintooda u gudbin doonaan Golaha Amaanka ee QM, Ururka Midowga Afrika dhinacyada kale ee ay quseyso.

“Haddii dhinacyadu ay heshiiskooda fulin waayaan illaa Berri, Waxaanu u gudbi doonnaan warbixinadooda; Ururka IGAD, Ururka Midowga Afrika, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dalalka kale ee lugta ku leh dhexdhexaadintan, si ay go’aanno uga gaaraan,” ayuu hadalkiisa ku daray Mogae.

Ugu dambeyn, Deng Gai oo u hadlay Mucaaradka Dalka Koonfurta Sudan, ayaa u sheegay Wariyeyaasha maanta oo Jimco ah, inay Aqbaleen go’aankan kasoo baxay Caalamka, ayna fulin doonaan. Iyadoo Mas’uul isagana u Hadlay Xukuumadda Salva Kiir uu sheegay inay ka go’an tahay fulinta heshiiskii sannadkii hore la kala saxiixday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya