4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Wasiiru dowladaha arimaha gudaha: Dowladda waa in ay ahmiyadda 1-aad siisaa dhalinta dalka wax ku baratay
Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) —Wasiiru dowlaha arimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/rashiid Max'ed Xidig ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ahmiyadda 1-aad ee dhanka shaqada ay siiso dhalinyarada wax ku baratay dalka, islamarkaana joojiso dadka qurbajoogta ah ee looga faa'iideeynayo fursadaha shaqo ee lasoo dhajiyo.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in inta badan ay dhacdo in dhalinayarada lagu xiro shuruudo ay kamid tahay luuqadaha ajnabiga ah, arintaa oo uu xusay in ay tahay mid aan loo baahnayn, muwaadinka wax bartayna aysan qasab ku ahayn in luuqad ajnabi ah uu yaqaan.

"Qofka hadii uusan luuqadda Ingiriiska aqoon mecneheeda maahan in uu jaahil yahay, waxaaba la arkaa in uu ka aqoon badan yahay kan luqadda yaqaan," ayuu hadalkiisii raaciyay.

C/rashiid Xidig ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira in sidoo kale ay joojiyaan tababarrada, shirarka iyo kulamada kale ee muhiimka ah ee loo aadayo dalka dibaddiisa, isagoo xusay in kuwa lagu qabto gudaha dalka ay ka faa'iidayaan dad badan oo Soomaaliyeed.

Wuxuu yiri "Shir ay madax isugu timid marka lagu qabto goob kamid ah dalka, waxaa ka faa'iidaya ganacsatadii hotelka, shaqaalihii joogay, raashiinka la cunayo dadkii laga soo iibiyay, kuwa dharka dhaqaya iyo faa'iido intaa ka badan ayaa laga helayaa."

Masuulkan ayaa sheegay in hadii aan sidaa la yeelin ay sii socon doonto tahriibta dhalinta, isagoo sheegay in dhalinyarada lagu abuuray cuqdad islamarkaana ay arkeen in wax fursad ah ayan uga banaaneyn dalka.

Hadalka wasiiru dowlaha arimaha gudaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli doon ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah ay ku qalibantay badda u dhexeeysa Masar iyo Giriigga, ayadoo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo tahriibayaal Soomaali ah, kuwaa oo qaarkood la waayay meydadkooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.