4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Nabad-sugidda Somalia oo sheegtay in Maanta ay Qabteen Laba GAARI oo uu Midkood Miineysnaa


Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) — Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa Sheegay inay goor-dhaw Gacanta kusoo dhigeen maanta laba Gaari oo mid ka mid ah uu miineysnaa, halka kan kalena ay wateen kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil u hadla Nabad-sugidda Qaranka ayaa xusay in gaariga miineysan la rabay in lagu weeraro mid ka mid ah maqaayadaha lacaga cunteeyo ee ku yaalla isgoyska Lamabar Afar ee bartamaha Muqdisho, halka kooxaha hubeysanna ay doonayeen in weerar toos ah ay ku qaadaan qaraxa kaddib.

“Gaariga miineysan waxaa la doonayay in dhibaato loogu geystay shacabka, halka kooxaha hubeysan oo tiradoodu dhawr ay tahayna waxay doonayeen qaraxa kaddib inay weerar toos ah ku qaadaan goobtaas,” ayay yiraahdeen saraakiisha Sir-doonka Somalia ka tirsan.

Warar ka madax-bannaan Saraakiisha Nabad-sugidda Soomaaliya ayaa sheegaya in Ragga hubeysan ee la qabtay ay tiradoodu ahayd laba ruux, waxayna arrintaan ku soo beegmaysaa iyadoo toddobaadkii hore ay ciidamada Nabad-sugiddu gacanta ku dhigeen gaari miineysan oo ku sugnaa degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Warar kale oo aanay HOL xaqiijin karin ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay maanta xaafadda Cali-kamiin ee degmada Wardhiigley, kaasoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay.

Ugu dambeyn, Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyaddda Qaraxaan la sheegay inuu ka dhacay Degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, Waxaana sidoo kale aysan ka hadlin laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha wararkan waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya