4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Xaflad lagu Taageeray Murashax Siciid C/llaahi Dani oo lagu qabtay Degmada Boosaso (Sawirro)

Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) — Xaflad lagu Taageerayay Murashax, Siciid C/llaahi Dani oo u taagan Xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya doorashada dhacaysa Sannadkan aynu ku jiro 2016-ka daba-yaaqadiisa, ayaa lagu qabtay Degmada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Munaasabadda, Waxaa ka Qayb-galay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Duqa Boosaaso, Yaasiin Mire Maxamuud, Taliyaha Booliska Puntland, C/risaaq Af-guduud, Waxgarad iyo xubno kale oo ka socday Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Furitaankii Munaasadda taageerada ah ayaa waxaa ka hadlay Prof. Axmed Maxamed oo ka sheekeeyay murashaxa iyo Waxqabadkiisii, isagoo xusay Dr. Siciid Dani uu isku biirsaday Aqoon iyo siyaasad, sidoo kalena uu yahay Ganacsade, uuna Qayb Libaax ka qaatay dib-u-habeynta Waxbarashada Ahliga ee Puntland iyo weliba xoojinta shacabka Soomaaliyeed.

“Musharax Dani, wuxuu ku dhashay Muqdisho Sanadkii 1967-kii, waxbarashadiisii Hoose, Dhexe, Sare iyo Jaamacadeedba Wuxuu ku qaatay Muqdisho, Waxbarshadiisa Shahaadada labaad ee Jaamacadana wuxuu ku qaatay Dalka Malaysiya,” ayuu Prof. Axmed ka sheegay Munaasabadda.

Sidoo kale, Prof. Axmed ayaa xusay in Murashaxu uu Sannadkii 1991-kii Hormuud u ahaa Xubnihii billaabay Waxbarashada Ahliga ah, uuna Aas-aasay dugsiga Al-Nawaawi, Waxaa kaloo uu asaasay hay’adda Tadamun iyo Xarunta TB-da ee Somalia oo dhan u Horreysay.

Duqa Boosaaso, Inj. Yaasiin Mire iyo taliyaha booliska Puntland C/risaaq Af-guduud oo ka hadlay iyaguna goobta ayaa qiray in Murashaxa xilka Madaxweynaha Somalia, Siciid Dani uu yahay shaqsi u qalma inuu dalka Hoggaamiyo, iyadoo lagu Miisaamayo wixii uu Dadka Soomaaliyeed u soo qabtay intii burburka lagu jiray.

Waxgaradkii iyo Ganacsatadii iyaguna ka hadlay xaflada ayaa taageeray musharaxa iyagoo ku dheeraaday ka hadalidda Wax-qabadkiisii xilligii uu ahaa u Dhaq-dhaqaaqaha Arrimaha bulshada iyo intii uu noqday xildhibaan iyo siyaasi Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Musharax Siciid C/llaahi Dani ayaa ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Federaalka Somalia, Wuxuuna kaloo noqday Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Xukuumadii RW C/weli Sheekh Axmed, isagoo hadda si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha Somalia doorashada ka dhici doonto Dalka Daba-yaaqada Sannadkan aynu ku jirno ee 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya