4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Bad-mareenada Hawlgalka Atalanta oo Khibrad la Wadaagay Ciidanka Badda Jabuuti (Sawirro)

Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) — Xubno ka tirsan ciidanka ilaalada Xeebaha dalka Jabuuti, ayaa lagu marti-geliyay markabka sitay Calanka Hawl-galka Atalanta ee loo yaqaano FGS Bayern. Si ay uga qayb-qaatan Tababarro xirfadeed oo xagga badda ah.

17-kii xubnood ee ka tirsanaa ciidamada badda, waxay Tababar maalin ah la qaateen Bad-mareennada Jarmalka ah ee FGS Bayern la socday. Waxayna ka faa’iideysteen xirfado aad u qiimo badan oo ay ka mid yihiin; sida loo daaweeyo Ruuxa jirran marka lagu jiro Badda, habka loo fuulo markabkiibta ee xargaha loo daaadsado,  habka loo isticmaalo radiyaha iyo waliba sida daayactir loogu sameeyo martoorka Markabka.

Taliyaha ciidanka FGS Bayern Mudane Markus Bruggemeir ayaa kusoo dhaweeyay gurada Markabkiisa xubno ka tirsan Ciidanka ilaalada badda ee Jabuuti. Isagoo ku Faraxsanaa sida guusha leh ee ay booqashadii u dhacday iyo weliba Is-fahama ka yimid xagga luuqada.

“Ciidanka FGS Bayern, Waxaa u suuro-gashay inay u gudbiyan Xirfado badan oo la xiriira hawl-gallada badda ciidamada ilaalada xeebaha wadanka Jabuuti, si weyn ayay ugu bogeen tababarkaas,” ayuu yiri Bruggemeir.

Ugu dambeyntii, Tababarrada noocan oo kale ah, ayaa waxay ka caawiyaan Gobolka kor u qaadidda hay’adaha ku hawlan Awoodaha badda. Siday uga difaaci lahaayeen biyoohooda iyo waliba sidii ay bad-mareenada uga badbaadiyaan weerarada burcad-badeedda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya