4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Taliyihii ugu Horreeyay ee Ciidamada AMISOM oo Geeriyooday iyo Taliska AMISOM oo ka Hadlay


Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) — Taliyihii ugu horreeyay ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Soomaaliya, Jen. Levi Karuhanga oo u dhashay dalka Uganda, kaasoo dalka Uganda u dhashay, waxaana geeridiisa ka hadlay Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay AMISOM soo saartay maanta ayaa lagu sheegay in ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Guud ahaan Bahda AMISOM, ay ka murugeysan yihiin geerida Jen. Levi Karuhanga.

“Maadaama uu ahaa Taliyahii u Horreeyey ee Ciidamada AMISOM, ayaa Jen. Karuhanga wuxuu dhidibbada u taagay hannaanka taliyeyaashii isaga dambeeyay xilka, isagoo sidoo kale u fududeeyay gudashada waajibaadkooda shaqo, isla markaana guulo la taaban karo u horseeday hawlgalka ciidanka AMISOM ay Muqdisho uga saareen Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka AMISOM.

Sidoo kale, Danjire Madeira iyo Bahda AMISOM, ayaa uga mahad-celinayay Qoyska, Jen. Karuhanga, shacabka dalka Uganda iyo xukuumaddoodaba, kaalintii uu ka qaatay hawlaha lagu xasilinayo Somalia, wuxuuna noqon doonaa astaan dhiirri-gelineed oo aan la illaawi doonin.

Dhanka kale War-saxaafadeedka AMISOM ayaan lagu xusin halka uu ku dhintay taliyahan iyo Sababta geeridiisa, waxaana uu ahaa taliyihii AMISOM horkacayay sannadkii 2007-dii markaasoo ay ka hawl-billaabeen Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda dalal Afrikaan ah ayaa waxaa kuwoodii ugu horreeyay ay yimaadeen dalka sagaal sano ka hor, iyadoo ay ugu soo horreeyeen ciidamada ka socda dalka Uganda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya